Daaficii hore ee Chelsea William Gallas ayaa weeraray kooxda haatan ee Blues iyo tababare Mauricio Pochettino ka dib barbarihii ay gurigooda kula galeen 10 ciyaaryahan oo Burnley ah.
Gallas oo labo koob oo Premier League ah kula guuleystay Chelsea islamarkaana qeyb ka ahaa daafacii ugu fiicanaa horyaalka ee abid ee xilli ciyaareedkii 2004/05 ayaa aaminsan in Blues ay meelna u socon waqtigaan.
Ka dib markii uu daawaday ciyaartii Burnley, William Gallas ayaa yiri: “Wax adag ayay aheyd in la daawado kulankii Chelsea ee Burnley, ka ciyaaryahan hore ahaan inaan arko kooxdeyda oo booskaan ku jirta aad ayay iigu adag tahay.
“Waa dhibaato in la bedelo ciyaartoyda daafaca isbuuc walba, sababtoo ah si fiican uma ciyaarayaan. Shaqadii laga tabay ma qabanayaan, mana ahan wax la aqbali karo.
Marka ugu horeysa waa difaacyo, sidaasi darteed waa inay kubada si fiican u difaacdaan. Waa inay ilaaliyaan goolhayahooda. Marka aad eegto goolkii hore ee laga dhaliyay kulankii Burnley, falcelinta iyo dhaqdhaqaaqa Badiashile wuxuu u muuqday qof kubada ka baqaya.
“Markii ay kooxda joogeen Terry iyo Ricardo Carvalho, gool sidaan oo kale ah ma dhalan jirin. ”
Gallas ayaa sidoo kale ka hadlay in Chelsea ay tabeyso khibrada hogaamineen ee Thiago Silva oo ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii Burnley.
Waxa uu yiri: “Thiago Silva la’aantiis waxaad arkeysaa inay tabayaan. Afarta danbe ama shanta danbe waxaad u baahan tahay khibrad. Ciyaartoyda hadda dheelaya ma ahan kuwa diyaarsan – midkoodna ma ahan hogaamiye.”