Arsenal ayaa barbaro goolal la’aan ah ku qabatay kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ka dib kulankii Etihad Stadium iyagoo u danbeeyay Liverpool oo hogaanka horyaalka ku qabatay labo dhibcood ka dib guushii soo laabashada aheyd ee ay ka gaareen Brighton.
Waxaan eegeynaa labo arimood uu saxay iyo labo uu qalday tababare Mikel Arteta kulankii maanta. Aan ku horeyno labada uu saxay.
Daafac Adag Oo La Jabin Karin
Arsenal ayaa heysata rikoodhka ugu fiican difaacashada ee Premier League xilli ciyaareedkan, waxayna taasi muujiyeen kulankii maanta iyagoo aamusiyay weerarka adag ee Man City. Daafacyada dhexe ee Gabriel iyo William Saliba ayaa si khibradeysan u aamusiyay halista Haaland, iyagoo u diiday inuu helo boos uu ku neefsado.
Labada daafac ee Arsenal ayaa caan ku noqday inay Haaland taabasho u diideen kulankoodii kale ee xilli ciyaareedkan. Maalin kale oo jahwareer ah ayayna u aheyd Haaland, iyadoo Arteta uu khabiir ku noqday inuu aamusiyo Haaland.
Ardaygii oo macalin noqday
Kooxda Arteta ayaa diiday in dhulka lagu jiid-jiido sida Arsenal-shii hore. Qaab ciyaareedka Gunners waxa uu ahaa dagaal xeeladeysan iyagoo awood jireed u adeegsaday Man City, waxay galeen 13 qalad sidaas oo ay tahay waxay ka fogaadeen inay jaale qaataan ilaa daqiiqadii 67aad.
Waxay aheyd taatik caqliyaysan oo ay ku doonayeen inay ciyaarta uga qasaan City iyo weeraryahanadooda orodka badan. Waa taatiko uu Arteta ka bartay Guardiola iyadoo Rodri iyo Bernando Silva ay caan ku yihiin inay sameeyaan qaladaad yaryar oo ciyaarta hakiya marka kooxdooda uu weerarka ku socdo.
Waa kuwaan wax auu Arteta qalday:
Gabriel qaldan ayuu soo safay
Iyadoo Gabriel Martinelli uu ka soo laabtay dhaawac, taageerayaasha Arsenal waxay filayeen in orodka xiddiga reer Brazil iyo farsamadiisa inuu ku fiicnaan lahaa kubadaha rogaalceliska ah. Laakiin Artata ayaa ka doortay xiddiga kale ee reer Brazil isagoo ku soo bilaabay Gabriel Jesus.
26 jirkaan ayaa caadiyan ahaa mid kubada ku qasaarinayay afka hore iyadoo Arsenal ay u baahneyd inay halis ku noqoto goolka hortiisa. Darbooyinkiisa ma aheyn kuwa bartilmaameedsan, ganbintiisa waxay keeneysay in kubada laga qaato taasoo jahwareer ku riday taageerayaasha Arsenal iyo Arteta.
Niyad xun ayuu ku soo galay ciyaarta
Arteta wuxuu u muuqday mid ku faraxsan in kooxdiisa ay difaac gasho 90ka daqiiqo bedelkii ay ciyaari lahaayeen kubadii looga bartay ee raacashada iyo weerarka badneyd ee uu ku faa’iday xilli ciyaareedkan. Marka dhanka difaacashada laga hadlay taatikadaan way shaqeysay laakiin sidoo kale lugooyo ku noqotay weerarkooda iyagoo inta badan ku jiray kala bar dhankooda garoonka.
Waxaa jirtay waqti ay kooxda Arteta kubada heysatay kaliya boqolkiiba 28, islamarkaana ay sameeyeen kaliya seddex meelood meel baasaska City. Haddii uu ciyaartiisa caadiga ahaa dheeli lahaa waxaa suurtogal ahaan laheyd in Arsenal ay seddex dhibcood la hooyato bedelkii ay hal dhibic ku faraxsanaan lahaayeen.