Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ka nafistay dhaawacyada saacado ka hor ciyaarta adag ee Manchester City, waxaanay dib u heleen oo taam u noqday saddex ciyaartoy oo dhaawacyo qabay oo qayb ka noqday safarka kooxdoodu ku tagtay magaalada Manchester.
Garoonka Etihad Stadium oo goordhow loou goleyn doono Arsenal iyo Manchester City ayaa waxa kasoo muuqan doona Gabriel Magalhaes oo difaaca ah iyo Bukayo Saka oo garabka weerarka ah, waxaana la sheegayaa in ay labaduba taam u yihiin.
Inkasta oo aanu tababare Mikel Arteta shaacinin taam ahaanshahooda oo uu Jimcihii xaqiijiyey in ay ku qiimayn doonaan tababarka Sabtida, waxa haddana ay warbaahinta Ingiriisku sheegtay in ay labadan ciyaartoy oo dhaawacmay ka hor ciyaarihii caalamiga ahaa ay hadda diyaar yihiin.
Waxa kale oo ay Arsenal dib u heshay garabka weerarka Brazil ee Gabriel Martinelli oo dhaawac lugta ahaa kaga maqnaa kulamadii Brentford iyo FC Porto ee ay kooxdoodu guusha kasoo aadhay.
Thomas Partey iyo Takehiro Tomiyasu ayaa iyagu hore taam ugu noqday kooxdooda oo tababarka la qaatay, isla markaana kulamadii ugu dambeeyey uu Partey ku yimid beddel.
Dhinaca kale, Kyle Walker iyo John Stones ayaa Manchester City ka maqnaanaya kulanka maanta ay kooxdoodu ku martigelinayso Arsenal, halka Manuel Akanji la qiimayn doono xaaladdiisa. Waxa kale oo xaaladooda la qiimayn doonaa Ederson iyo Kevin de Bruyne oo o’aan laga gaadhi doono daqiiqadaha ugu dambeeya.