Tababaraha kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Thomas Tuchel ayaa caawa qaaday tallaabo soo gaabin karta cimrigiisa Allianz Arena, kaddib markii ay kooxdiisu guul-darro culus oo 2-0 ah kala kulantay Borussia Dortmund oo waliba marti u ahayd.
Bayern Munich oo garoonkeeda Allianz Arena joogta ayaa waxa 2-0 ku karbaashtay Borussia Dortmund, waxaana labadii qaybood ee ciyaarta goolasha u dhaliyey Adayemi iyo Julian Ryerson, taas oo keentay in Munich ay 13 dhibcood oo nadiif ah ka dambayso Bayer Leverkusen oo galabta 2-1 dhibcaha kaga qaadatay Hoffenheim.
Munich ayaa lumisay fursadii ay kula sii tartami lahayd Leverkusen, balse xisaab ahaan ayay u adag tahay inay waqtigan soo qaban karaan maadaama horyaalka ay lix ciyaarood oo kali ahi ka hadhsan yihiin toddoba ciyaarood oo kaliya.
Bundesliga ayaa la ciyaaraa 34 kulan maadaama uu ka kooban yahay 18 ciyaarood, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Leverkusen ay u baahan tahay saddex guulood oo kaliya si loo caleemo-saaro.
Thomas Tuchel oo hore ay Bayern Munich u shaacisay in shaqada laga caydhinayo dhamaadka xilli-ciyaareedkan, ayaa kaddib guul-darradii ay kala kulmeen Borussia Dortmund, waxa uu sheegay in kooxdiisa ay u dhamaatay oo ay Bayer Leverkusen horyaalka ku guuleysatay.
Tuchel oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Annaga way nooga dhamaatay hadda, hambalyo Leverkusen oo hadda ah horyaalka Bundesliga, waxaanan u tixgelinaynaa in hadda uu dhamaaday tartankii horyaalku.”
Bayern Munich ayaa la rumaysan yahay in aanay aqbali doonin qirashada tababare Tuchel maadaama aanay xisaab ahaan horyaalka ugu guuleysanin Leverkusen.
Si kastaba ha ahaatee, Bayern Munich ayaan awoodi doonin in ay markii 11aad oo xidhiidh ah ku guuleysato horyaalka Bundesliga ee ay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey sida xidhiidhka ah u qaadaysay.