Lionel Messi ayaa sannadkii 2023 ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or markiisii siddeedaad, waxaana inkasta oo ay muran dhalisay lagu qancay in ay u noqoto markii ugu dambaysay ee uu qaadanayo abaal-marintan iyadoo sannadkan la filayo in ay wajiyo cusub iman doonaan.
Erlin Haaland oo kaalinta labaad ku dhamaystay sannadkii hore, isla markaana ay isku dhibco ahaayeen Messi oo kaga guuleystay qaab ay markii dambe FIFA sharraxaad ka bixisay, ayaa laga fursad fiicnaan doonaa sannadkan, sababtoo ah waxa aanu ka qayb-geli doonin oo uu dalkiisu ka hadhay tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 oo ciyaartoyda kale ee la tartamaysa ay fursad fiican u haystaan.
Sidoo kale, ciyaartoyda qaaradda Latin America ee uu ka mid yahay Lionel Messi ayaa iyaguna ciyaari doona tartanka qaramada qaaraddaas ee Copa America, waxaanay taasi garbinaysaa Haaland, balse waxa uu u baahan yahay inay kooxdiisu guulo waaweyn gaadho.
Qiimayn cusub oo lagu sameeyey 15ka ciyaartoy ee ugu fursadda fiican amaba ugu cadcad ee uu midkood ku guuleysanayo abaal-marinta Ballon d’Or ayaa la sameeyey, iyadoo laga eegayo goolasha ay dhaliyeen, caawinta ay sameeyeen, tirada kulamada ay shabaqooda nadiifta ka dhigeen [waa haddii ay difaac yihiin], koobabka ay ku guuleysteen, tartamada ay ciyaareen, fagaareyaasha waaweyn sida tartamada xulalka qaaradaha ee ay ka qayb-galeen iyo qaab-ciyaareedkooda guud.
Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta uu hoosaysa ee 15aad kaga jira qiimaynta ciyaartoyda ugu cadcad, laakiin Lionel Messi ayaan isaguna waxba dhaamin oo fadhiya booska 14aad, taas oo ka dhigan in labadooduba meesha ka bixi doonaan.
Xiddigaha Arsenal ee qaabka fiican ku jira ee Declan Rice iyo Bukayo Saka ayaa waxa ay ku kala jiraan 13aad iyo 14.
Marka la eego ciyaartoyda ugu fursadda fiican, waxa kaalinta koowaad ku jira khadka dhexe ee reer England ee Jude Bellingham oo wacaro ka dhigay garoomada xilli-ciyaareedkan, waxaase uu u baahnaan doonaa in kooxdiisu ay koobab waaweyn ku guuleysato, sidoo kalena uu xulkiisa England qaado Koobka Qaramada Yurub amaba uu meel fiican ka gaadho.
Waxa kaalinta labaad ku jira Kylian Mbappe oo ay sii kulaalayaan Harry Kane oo saddexaad ah, Mohamed Salah oo afraad ah iyo Erling Haaland oo shanaad ku jirta.
Halkan kaga bogo 15ka kooxood ee ugu fursadda fiican abaal-marinta Ballon d’Or:
15. Cristiano Ronaldo – Al-Nassr/ortugal
14. Lionel Messi – Inter Miami/Argentina
13. Declan Rice – Arsenal/England
12. Bukayo Saka – Arsenal/England
11. Phil Foden – Manchester City/England
10. Lautaro Martinez – Inter Milan/Argentina
9. Antoine Griezmann – Atletico Madrid/France
8. Vinicius Junior – Real Madrid/Brazil
7. Virgil van Dijk – Liverpool/ Netherlands
6. Rodri – Manchester City /Spain
5. Erling Haaland – Manchester City/Norway
4. Mohamed Salah – Liverpool/Egypt
3. Harry Kane – Bayern Munich/England
2. Kylian Mbappe – Paris Saint-Germain/France
1. Jude Bellingham – Real Madrid/England