Mauricio Pochettino ayaa ku adkeysanaya in Chelsea ay ku guuleysan doonto Premier League – hadii uusan sii joogo kooxda iyo haddii uu tababare kale yimaado – sababtoo ah mashruucooda ayaa ku socda wadada saxda aheyd.
Siyaasadda kooxda ee la soo wareegida ciyaartoyda da’da yar waxay u baahneyd waqti ay ku horumarto, waxayna doonayaa inay ku dhameystaan 10ka sarre ee horyaalka Premier League. Waxay joogaan semi-finalka FA Cup, waxay gaareen finalkii Carabao Cup bishii hore.
Pochettino ayaa sheegay in xogtooda ay soo jeedineyso inay ka mid noqdaan afarta sare ee Premier League.
Tababaraha ayaa ku adkeysanaya inay taasi cadeyneyso in Chelsea ay ku socoto wadada saxda ah, waxaana uu ku kalsoon yahay in ciyaartoyda sida Mykhailo Mudryk inay sii fiicnaan doonaan haddii waqti la siiyo.
“Markii aan halkaan imid waan ogaa howsha culus ee inoo taalay ee aheyd inaan kooxda ka caawiya kaliya ma ahan hal ama labo da’ yar balse 10” ayuu yiri Pochettino.
“Haddii aynan deganaan muujin laheyd, oo aynan odorosi laheyd qaabka uu mashruuca ku socda, malaha tababare kale ayaa halkaan fadhin lahaa maanta.
“Waan fahamsanahay micnaha ay ku fadhiso in la bedelo jihada kooxda. Haatan kooxda aad ayay uga duwan tahay sidii hore. Waxaan dooneynaa waxa u fiican kooxda, milkiilayaasha, ciyaartoyda iyo taageerayaasheena.
“Dabcan, waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano Premier League. Haa, maalin uun waan ku guuleysan doonaa. Laakiin haddii aanan aniga noqonin, waa hubaal tababare kale ayaa ku guuleysan doona sababtoo ah mashruucaan waa inuu guuleysto.
“Waana inuu u dhaco qaabka ugu fiican oo ah sida ay haatan wax ku socdaan. Sababtoo ah haddii aysan taasi dhicin ma suurtogeleyso in da’ yarta ay koraan.”