Supercomputer ayaa qiimayn ku sameeyey fursadda xulka qaranka England uu ugu guuleysan karayo tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee lagu qaban doono waddanka Germany, kaddib natiijooyinka kulamadii caalamiga ahaa ee bishan March.
Salaasadii, Jude Bellingham ayaa ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey u dhaliyey gool sabab u noqday in xulka England uu barbarro 2-2 ah la galo Belgium, waxaana uga horreysay guul-darro 1-0 ah oo ay kala kulmeen Brazil.
Labadan ciyaaroodba waxa ay ka dhaceen garoonka xulka England ee Wembley ee magaalada London, waxaanay taasi keentay in laga walaaco awoodda xulka qaranka England uu guul kaga keeni karayo Euro 2024.
Tababare Gareth Southgate ayaa safay ciyaartooyo aan khibrad hore ku lahayn xulka, sida Ivan Toni, Kobbie Mainoo iyo Ezri Konsa iyadoo ciyaartooyo muhiim ah sida Harry Kane ay dhaawacyo kaga maqnaayeen kulamadan caalamiga ah.
England oo aan wax koob ah ku guuleysanin tan iyo sannadkii 1966kii, waqtigaas oo ay Koobka Adduunka qaadeen, ayaa waxa hadda su’aalo la gelinayaa tayada iyo kartida uu tababare Gareth Southgate guul ku gaadhsiin karayo xulka Ingiriiska.
Sababta su’aalahan keentay ayaa ah natiijooyinka 25kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee xulalka awoodda badan ee dunida ay la ciyaareen oo toddoba jeer ay badiyeen, toddoba barbarro galeen, 11 kalena laga badiyey.
Sidaas oo ay tahay Supercomputer ayaa sheegay in xulka England uu yahay kan ugu cadcad ee ku guuleysanaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, iyadoo fursadda ay koobka ugu guuleysan kayaana ay tahay 34.4%.
Waxa kaalinta labaad ku jira oo ah waddanka labaad ee ugu cadcad xulka qaranka France oo fursaddoodu tahay 28.3%, halka waddanka martigelinaya ee Germany uu Supercomputer ku sheegay fursaddooda kaliya 13.5%.
Xulka qaranka Talyaaniga ee koobka difaacanaya ayaa fursaddiisu ay aad u hoosaysaa, waxaana kaliya ay haystaan 0.8% fursad ah sida uu sheegay Supercomputer, waxaana ka sarreeya waddamada Netherlands, Spain iyo Portugal.