Xiddigii hore ee Liverpool Jermaine Pennant ayaa hadal culus uu ka soo yeeray oo ku saabsan xulashada xiddigaha xulka England isagoo yiri: “Haddii aan arko Henderson, waxbaa ku dhici doonaa TV-geyga.”
Wuxuu doonayaa in Gareth Southgate uu fursad siiyo ciyaartoyda da’da yar bedelkii uu u soo yeeran lahaa Jordan Henderson.
Pennant oo seddex sannadood u dheelay Liverpool intii u dhaxeysay 2006 iyo 2009 ayaa aaminsan in 18 jirka Man United Kobbie Mainoo inay tahay inuu ku soo bilowdo khadka dhexe ee England.
Waxa uu u sheegay idaacada talkSPORT: “Mainoo halaga ciyaarsiiyo booska burburiyaha khadka dhexe sababtoo ah farsamadiisa kubadeed aad ayay u fiican tahay. Kama baqayo inuu kubada helo, waa uu u tartami karaa kubada, wuu difaacan karaa, wuu baasi karaa. Waa xiddiga ugu haboon booskaas.”
Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waxaan doonayaa inay ciyaaraan ciyaartooy boosaskooda ka soo bixi kara. Haddii aan arko Henderson, waxbaa ku dhacaya TV-geyga. Fadlan sidaas ha igu sameynin Southgate.”
Tababare Southgate ayaan weli go’aansanin ciyaartoyda uu u kaxeysanayo koobka Qaramada Yurub ee Jarmalka lagu qabanayo xagaagan.
Kulamadii saaxiibtinimo ee todobaadkan, England waxay kala kulantay wajigabax iyadoo guuldarro ay 1-0 ka soo gaartay Brazil halka ay barbaro 2-2 ka tuugeen xulka Belgium.