Garoonka Wembley ee magaalada London waxa caawa ku ballansan xulalka Brazil iyo England oo isku-dhacyadoodu ay xiise u yeelaan kubadda cagta, iyadoo dib loo xasuusanayo laba jeer oo Brazil ay si xun uga reebtay England Koobka Adduunka.
Sannadkii 1970kii ayaa xulkii Brazil ee uu hoggaaminayey Pele waxa ay dhulka jiid-jiideen England, waxaanay ku guuleysteen Koobkaas. Sidoo kale, Koobkii Adduunka 2002 ayaa uu Ronaldinho gool taariikhda galay ka dhaliyey England, isaga oo laad xor ah ka dhaliyey goolhaye David Seaman. Sidii hore oo kale ayay mar kale Brazil ku guuleysatay Koobka Adduunka.
Ka hor ciyaartooda caawa, waxa aynu dib u milicsanaynaa xiddigihii reer Brazil ee ciyaaray kulankii iskugu dambeeyey ee Ingiriiska ay ku waajahaan, waxaana ku jiray ciyaartooyo hadda xidhan oo jeelka ku jira sida Dani Alves, iyo xiddigaha Chelsea ee la illoobay ee David Luiz, Ramires iyo Oscar.
Waxa kale oo ku jiray goolhayihii waqtigaas ee kooxda QPR ee Julio Cesar laakiin hore guulo badan ugu soo hooyey Inter Milan.
Waatan shaxdii ay Brazi kula ciyaartay England markii ugu dambaysay ee ay kulmeen
Kaydka
FRED (Fluminense), MARCOS AROUCA (Santos),LUCAS MOURA (Paris Saint-Germain), JEAN (Fluminense), FILIPE LUIS (Atletico Madrid), MIRANDA (Atletico Madrid),