Tababaraha xulka qaranka England Gareth Southgate ayaa ka jawaabay in lala xiriirinayo shaqada Manchester United mar uu shir jaraa’id qabtay Jimcihii.
Horaantii usbuucan, waxaa la soo wariyay in ninka saamiga ku leh United Sir Jim Ratcliffe uu dookhiisa1-aad ka dhigay tababaraha Three Lions si uu u qabto Old Trafford xagaagan.
Qandaraaska Southgate uu kula jiro xulka qaranka ayaa dhacaya bisha December, FA-ga ayaana doonaya inay heshiis cusub ka saxiixdaan.
Laakiin Ratcliffe, oo la sheegay inuu la dhacay shaqada Southgate ee England, ayaa kalsooni weyn ku qaba inuu keeno Man United, sida laga soo xigtay Daily Star.
Waxaa ku bixi doonta magdhow ah 800 kun ginni si ay u helaan Southgate kaasoo ka mid ah tababarayaasha ugu cadcad inay qabtaan United haddii Erik ten Hag shaqadiisa laga eryo.
Southgate ayaa ugu danbyn ka hadlay wararka xanta ah ee ku saabsan inuu u wareegayo Manchester United.
“Waxaa jira laba shay oo aragtidayda ah,” ayuu yiri ka hor kulanka saaxiibtinimo ee Sabtida ay la leeyihiin Brazil.
“Mida hore waa inaan ahay tababaraha England, hal shaqo kaliya ayaa i hortaala waa inaan koobka Qaramada Yurub ku hogaamiyo xulka, tan labaadna Manchester united waxay heysataa tababare.
“Waxaan u maleynayaa inay had iyo jeer tahay ixtiraam darro in la ila xiriiriyo shaqo uu tababar kale joogo, wax waqti ah uma hayo wararka noocaas ah.”