Mid ka mid ah kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa ku hanjabaysa inay isaga baxayaan horyaalkooda maalmo ka dib markii ciyaartoydooda lagu dhex weeraray garoonka dhexdiisa.
Isbuucii lasoo dhaafay ciyaartoyda kooxda Fenerbahce ayaa weerar kala kulmay taageerayaasha kooxda Trabzonspor ka dib guushii ay 3-2 ka gaareen ee horyaalka Turkiga.
Walxo holcaya ayaa garoonka sida roobkii oo kale ugu da’ ayay qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana ay ku dhaceen dhowr ciyaaryahan oo ay ku jiraan Edin Dzeko, Dusan Tadic iyo goolhaye Dominik Livakovic. Goolhayaha ayaa sidoo kale lagu daqray shilin looga dhuftay garka.
Seerigii ugu dambeeyay ka dib, dhowr taageere oo Trabzonspor ah ayaa ku soo yaacay garoonka iyagoo durbadiiba dagaal la galay ciyaartoyda Fenerbahce.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Nigeria Bright Osayi-Samuel iyo daafac dambeedka midig ee Holland Jayden Oosterwolde ayaa iska celiyay taageerayaasha iyadoo Oosterwolde uu feeray hal taageere. Michy Batshuayi ayaa isna haraanti la damcay taageere balse waa uu la waayay.
Dhacdadan ayaa dhacday bilo kadib markii uu madaxweynaha koox Turki ah uu garoonka galay islamarkaana uu feeray garsoore.
Dhacdadan ka dib, Fenerbahce ayaa ku hanjabaysa inay ka baxayso horyaalka Turkiga ee Super Lig, waxaana la filayaa inay arrintan geyso shirweynaha guud ee xubnaha naadiga 2-da bisha April.
Kooxda Turkiga ayaa aad uga xumaaday in wax tallaabo ah oo la taaban karo aan la qaadin ka dib markii ciyaartoydooda la geliyay halis, laakiin sida laga soo xigtay The Athletic, go’aanka ayaa sidoo kale waxaa sabab u ah ‘cadaalad darro taariikhi ah’ oo lagu eedeeyay mas’uuliyiinta Turkiga iyo dowladda.
Dhacdooyinkii hore ee Fenerbahce ay dareentay cadaalad darro waxaa ka mid ah in sidaan oo kale ay taageerayaal la dagaaleen ciyaartoydooda maalintii ugu danbeysay xilli ciyaareedkii 2005-06, waxaa taas sii dheer in la xabadeeyay baskooda 2015kii.