Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ka maqnaan doona kulanka caawa ee uu qarankiisu la dheeli doono Sweden oo garoonka Estádio Dom Afonso Henriques ay foodda isku dari doonaan.
Cristiano Ronaldo oo u ciyaara kooxda Al-Nassr ee ka dhisan waddanka Sucuudiga, ayaa uu tababare Roberto Martinez kusoo daray liiska xulka Portugal ee hordhaca ahaa ee 32ka ciyaartoy ka koobnaa.
Martinez ayaa soo yareeyey tirada ciyaartoyda xulkiisa ka hor kulanka Sweden, waxaanu ka saaray siddeed ciyaartoy isaga oo tirada xiddigaha uu caawa kala hor tegayo Sweden ka dhigay 24.
Cristiano Ronaldo ayaa ka mid noqday liiska siddeedda ciyaartoy ee laga reebay kulanka caawa, waxaana ku wehelinaya Diogo Dalot, Joao Cancelo, Danilo Pereira, Otavio, Ruben Neves, Vitinha iyo Joao Felix.
39 jirkan oo isku diayarinaya inuu xulkiisa Portugal u hoggaamiyo tartanka Euro 2024 oo la filayo inuu noqon doono tartankii ugu dambeeyey ee u ciyaaro waddankiisa, ayaa waxa sababta uu kulanka caawa uga maqan yahay lagu sheegay in uu wali ku sugan yahay waddanka Sucuudiga oo uu qoyskiisa fasax la qaadanayo, taas daraadeedna looga reebay kulankan.
Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa qayb ka noqon doona ciyaartoyda xulka qarankiisa kulanka Germany ee usbuuca dambe.