Halyeygii Barcelona ee Gerard Pique ayaa keenay dood lama filaan ah oo uu isku barbar-dhigay labada xiddig ee reer England ee Jude Bellingham iyo Harry Kane, xilli ay ciyaartoyda xulka qaranka England isku diyaarinayaan kulanka saaxiibtinimo ee Brazil ee maalinta Sabtida ka dhici doona garoonka Wembley Stadium.
Labadan ciyaartoy oo la filayo inay dalkooda u hoggaamiyaan tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee xagaaga lagu qabanayo waddanka Germany, ayaa Gerard Pique oo ka hadlay uu sheegay in Jude Bellingham uu Ingiriiska uga muhiimsan yahay Harry Kane oo ah dhaliyaha kaliya ee ay isku hallaynta ku qabaan.
Kane iyo Bellingham ayaa mid walba uu xilli-ciyaareed aad u fiican ku jiraa, waxaanay isugeyntooda dhaliyeen 57 gool oo ay u kala dhaliyeen kooxahooda Bayern Munich iyo Real Madrid.
England oo aan ku guuleysanin wax koob ah tan iyo sannadkii 1966kii, ayaa si weyn loogu saadaalinayaa Koobka Qaramada Yurub ee sannadkan.
Pique oo ka hadlay labadan ciyaartoy ayaa waxa uu sheegay, in inkasta oo uu Harry Kane ka mid yahay weeraryahannada ugu wanaagsan waqtigan, in haddana Jude Bellingham uu yahay ciyaartoy aad laf-dhabar ugu ah xulkiisa, waxaanu yidhi: “Sababta uu Jude ugaga muhiimsan yahay waa in uu dhalinayo goolal badan, shaqo badan oo kale qabanayo, baasas badan dhiibayo, goolalna caawinayo.
“Harry, waa run in aad u baahan tahay weeraryahan isaga oo kale ah si aad koobab ugu guuleysatid, laakiin Jude waxa uu ku siin karaa shaqo dhamaystiran, waxyaabo badanna wuu kuu qaban karaa.”
Si kastaba ha ahaatee, Jude Bellingham oo xagaagii ay Real Madrid kaga soo iibsatay Borussia Dortmund lacag dhan £115 milayn oo Gini ayaa 31 ciyaarood oo uu u saftay naadigiisa waxa uu u dhaliyey 20 gool iyo sagaal kale oo uu caawiyey, halka Harry Kane uu 35 kulan oo uu u saftay Bayern Munich uu u dhaliyey 37 gool iyo 12 uu caawiye ka noqday.