Manchester United ayaa lagu waramayaa inay tababaraha xulka England Gareth Southgate ku bedelo Erik ten Hag, waxaana la sheegay inuu heysto taageerada ciyaartoyda ugu waa weyn kooxda.
Milkiilaha la wareegay maamulka kooxda Sir Jim Ratcliffe ayaa doonaya inuu isbedelo waa weyn ku sameeyo Old Trafford, waxaana ku jirta shaqada tababaraha.
Wargeyska Daily Star ayaa sheegaya in Southgate uu yahay tababaraha ugu cadcad inuu bedelo Erik ten Hag sida uu doonayo Sir Jim Ratcliffe. Ciyaaryahankii hore ahna tababarihii hore ee Middlesbrough ayaa England ku hogaaminaya Euro 2024 balse waxa uu diiday inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo xulka iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo bisha December.
Ratcliffe ayaa rajeynaya inuu jawaab degdeg ah ka helo Southgate isagoo qorsheynaya inuu bilaabo waayihiisa cusub ee Man United. Bilyaneerka reer Britain ayaa la tashaday qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu waa weyn kooxda.
Southgate waxa uu durba heystaa taageerada qaar ka mid ah ciyaartoyda Man United. Waxa uu sidoo kale taageero ka helay agaasimaha cusub ee kooxda imaanaya xagaagan Dan Ashworth oo ay isku soo shaqeeyeen FA-ga.
Ten Hag lama filaan kuma noqon doonto in ciyaartoyda kooxda ay macsalaameeyaan madaama ay isku dhaceen xiddigo badan oo kooxda. Dagaalkii uu la galay Cristiano Ronaldo ayaa keentay in qandaraaskiisa la kansalo oo uu u haajiro Sacuudiga.
Waxay sidoo kale isku dhaceen Jadon Sancho oo amaah lagu siiyay Borussia Dortmund bishii Janaayo, halka sidoo kale uu xiriir aad u xun kala dhaxeeyo weeraryahan Marcus Rashford.