Ka dib rikoodh cajiib ah oo uu u ciyaaray xulka France kulan walba tan iyo bishii Agoosto 2017kii, Antoine Griezmann ayaan u dheeli doonin Les Blues kulanka saaxiibtinimo ee ay Sabtida la ciyaarayaan Germany.
Griezmann oo ah xiddiga afaraad ee ugu goolasha badan France isagoo dhaliyay 44 gool 127 kulan uu saftay ayaa waxaa soo gaaray dhaawac canqowga ah ka hor kulamada ay France la ciyaareyso Germany iyo Chile.
Waxaa lagu bedelay xiddiga khadka dhexe ee Lazio Matteo Guendouzi, taasoo la micno ah inay soo dhamatay rikoodhkiisa 84 kulan oo isku xigta oo uu u dheelay France.
Markii ugu danbeysay ee uusan France u ciyaarin waxay aheyd kulan saaxiibtinimo oo ay 3-2 kaga badiyeen England bishii Juun 2017kii.
“Ka dib 84 kulan oo isku xigta uu France u dheelay, rikoodhkii Antoine Griezmann halkaan ayuu ku dhamaaday” ayaa lagu soo qoray barta bulshada ee xulka Faransiiska.
“Dhaawac canqowga ah ayaa soo gaaray, Grizi waxaa lagu bedelay Matteo Guendouzi. Soo caafimaad Antoine.”
32 jirkaan ayaa wax badan qabtay mudadii xiriirka aheyd ee uu France u dheelay oo todoba sannadood ah. Waxa uu ku guuleystay Koobka Adduunka sannadii 2018kii, isagoo dhaliyay goolkii koowaad ee ciyaartii finalka ee ay ka badiyeen Croatia.
Griezmann ayaa sidoo kale wacdarro ka dhigay Koobkii Adduunka ee Qatar isagoo ka caawiyay inay gaaraan finalka.
28 gool iyo 30 caawin ayuu sameeayy 84ta kulan ee xiriirka ah ee uu u dheelay France.