Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Thomas Partey ayaa laga saaray liiska xulka qaranka Ghana ee ciyaaraha caalamiga ah ee bishan March, kaddib markii uu laacibkani ku wargeliyey xidhiidhka kubadda cagta dalkiisa iyo tababaraha qarankiisa in aanu doonayn inuu ka mid noqdo liiska xulka.
Thomas Partey oo kasoo laabtay dhaawacyo uu u jiifay inta badan xilli-ciyaareedkan, ayaa waxa uu qayb ka noqday kulankii ugu dambeeyey kooxdiuisa.
Laacibkan hore ee Atletico Madrid ayaa afartii bilood ee ugu dambeeyey u jiifay dhaawac, waxaana sida uu shaaciyey tababaraha xulka qaranka Ghana ee Otto Addouu Thomas Partey ka codsaday in aan lagu darin xulka kulamada caalamiga ah ee bishan.
Laacibkan oo 25 daqiiqadood ciyaaray kulankii ay Arsenal 6-0 ku xasuuqday Sheffield United, ayaa sidoo kale beddel ku yimid ciyaartii Brentford ee ay kula wareegeen hoggaanka horyaalka Premier League, halka uu beddel aan la isticmaalin ahaa ciyaartii FC Porto ee wareegga 16ka Champions League ee ay ugu soo gudbeen wareegga siddeedda.
Tababare Otto Addo ayaa soo saaray liiska 26 ciyaartoy oo xulka qaranka Ghana ah oo uu ka maqan yahay Thomas Partey, waxaana uu sidaas ku noqonayaa ciyaartoygii labaad ee Arsenal ah ee diida inuu xulkiisa u ciyaaro kulamada caalamiga ah ee bishan, waxaana ka horreeyey Ben White oo iska diiday xulka England.
Partey ayaa shan sannadood oo uu joogay Arsenal waxa uu u saftay 106 kulan oo uu u dhaliyey shan gool iyo afar kale oo uu caawiye ka noqday, iyadoo sannadkii 2020 ay Arsenal kasoo iibsatay Atletico Madrid.
Xulka qaranka Ghana ayaa waxa uu sidoo kale u saftay 74 ciyaarood.