Wareegga siddeedda tartanka FA Cup ayaa soo dhamaanaya marka ay kala baxaan kooxaha Manchester United iyo Liverpool ee galabta, iyadoo hore loo xaqiijiyey saddexda kooxood oo soo gudbay.
Manchester City oo kasoo tallaabsatay Newcastle United iyo Coventry City oo si lama filaan ah uga soo adkaatay Wolves isla markaana usoo gudubtay marxaladdan markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 1987kii.
Chelsea ayaa sidoo kale si cidhiidhi ah kaga soo adkaatay toban ciyaartoy oo Leicester City ah oo marti ugu ahaa garoonka Stamford Bridge, taas oo ka dhigan in kaliya ay hadhsan tahay natiijada ciyaarta Manchester United iyo Liverpool.
Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa hore usii shaaciyey lambarrada kubbadaha ay kooxuhu isku aadka ku gelayaan, iyo waqtiga la samaynayo intaba.
Lambarrada kubbadaha
1 Coventry City
2 Manchester United or Liverpool
3 Chelsea
4 Manchester City
Semi-finalka oo lagu ciyaari doono garoonka Wembley Stadium laba maalmood oo isku xiga oo ah April 20 iyo April 21, ayaa sidoo kale waxa finalka la ciyaari doonaa May 25.
Waqtiga la samaynayo isku-aadka
Isku-aadka wareegga semi-finalka FA Cup ayaa lagu dhawaaqi doonaa 15 daqiiqadood kaddib marka ay dhamaato ciyaarta Manchester United iyo Liverpool.