Kylian Mbappe ayaa shaaciyay sabab qariib ah ka hor istaageysa inuu ku biiro Arsenal. Xiddiga Faransiiska ayaa la filayaa inuu ka tago Paris Saint-Germain dhamaadka xilli ciyaareedkan isagoo la filayo inuu u wareego Real Madrid.
Laakiin Mbappe ayaa haatan la weydiiyay fursada uu u heysto inuu ku biiro kooxda hogaamineysa horyaalka Premier League ee Arsenal.
Inkastoo 25 jirkaan uu u muuqdo mid ka dhabeynaya riyadiisa inuu u ciyaaro kooxda weyn ee La Liga ee Real Madrid, hadana Mbappe ayaa la weydiiyay haddii uu ka fiirsanayo inuu u wareego Arsenal.
Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka 2018kii ayaa jawaab kooban ka bixiyay, mana aheyn jawaab ay jecleysteen taageerayaasha Arsenal .
Taageere Arsenal ayaa ku yiri: “Imow Arsenal” Mbappe ayaa yiri: “Arsenal?” ka hor inta uusan qoslin ka dib wuxuu raaciyay: “Maya, ma jirto waddo aan ugu biirayo” taageeraha ayaa ku yiri: “Sabab?” wuxuu ku jawaabay: “Aad ayay u qabow dahay halkaas.”
🚨 Kylian Mbappé’s response to potentially joining Arsenal 👀🤣
(🎥 @mikeypoulli) pic.twitter.com/K1gQvWKkbg
— Transfer News Live (@DeadlineDayLive) March 17, 2024
Waa qiimeyn adag uu Kylian Mbappe ka bixiyay cimilada Ingariiska, laakiin ma ahan markii ugu horeysay ee la soo hadal qaado xan ku saabsan xiddiga reer France iyo Arsenal.
Xaqiiqdiina tababare Mikel Arteta ayaa wax laga weydiiyay Mbappe bishii Febraayo, markii la weydiyay haddii Mbappe uu jeclaan lahaa inuu Arsenal ku biiro, wuxuu ku jawaabay: “Kooxda aan nahay darteed uma maleynayo inay dhibaato tahay. Qof walba ayaa doonaya inuu u dheelo Arsenal.”