Kabtanka Liverpool Virgil van Dijk ayaa shaaca ka qaaday inuu ka qoomameynayo hadal uu yiri xilli ciyaareedkan.
Van Dijk ayaa loo magacaabay kabtanka kooxda ka dib markii uu baxay Jordan Henderson xagaagii, waxaana uu ahaa wadnaha daafaca Reds.
Daaficii hore ee Southampton ayaa 35 kulan u saftay kooxdisa tartamada oo dhan, wuxuuna hogaaminayaa ciyaartooy da’ yar oo fursad la siiyay ka dib dhaawacyo kooxda soo wajahay.
Qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan waxa uu ahaa kulanka finalka Carabao Cup ee Chelsea isagoo goolka guusha madaxa ku dhaliyay waqtigii dheeriga.
Van Dijk ayaa kor u qaaday koobkiisii ugu horeysay isagoo kabtan ah laakiin 32 jirkaan ayaa ka hadlay inuu ka qoomameynayo hadal uu yiri ka dib markii uu koobka qaaday.
Waxa uu eegay kaamirada, waxaan uu yiir: “Waxay doonayeen inay uga dhamaatay” isagoo fariin u diray dadkii shaki gelinayay waayihiisa ciyaareed.
Laakiin Van Dijk ayaa sheegay nuu ka qoomameynayo inuu sidaasi yiri, wuxuuna sheegay in hadalkaas uu ka keenay dareenkiisii maalintaas.
“Inaan sidaasi dhaho ma aheyn” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay The Guardian.
“Sababtoo ah ma doonayo inaan yeesho ujeedo qaldan. Hadalkaas wuxuu qeyb ka ahaa dareen iga yimid sababtoo ah maalintaas dareenkeyga wuu sareeyay.
“Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay niyadjab ayuu ahaa. Ma aheyn niyadjab ah inaan aniga xumaa. Sidaasi ma aanan dareemin gabi ahaanba. Kaliya waxaan ka hooseeyay heerkii aan iska filayay inaan gaaro kulan walba.
“Si buuxda ayaan u fahamsanahay eedeymaha ka yimid dadka kale ee la xiriiray qaab ciyaareedkeyga laakiin bani’aadam ayaan ahay, oo way i saameyneysaa. Dareenkeyga ayaa maalintaas sidaas ahaa, laakiin ma aheyn inaan sidaasi iraahdo.”