Isku-aadka wareegga siddeedda tartanka Europa League ayaa la shaaciyey, waxaana kala badbaaday labada kooxood ee sida weyn loo saadaalinayo ee Liverpool iyo Bayer Leverkusen, inkasta oo ay imtixaan adag mari doonaan oo ay kooxo kale oo waaweyn ku dhaceen.
Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa waxa ay ku dhacday Atalanta oo horyaalka waddanka Talyaaniga ah, isla markaana horumar badan oo ciyaareed samaynaysay sannadihii ugu dambeeyey.
Bayer Leverkusen oo ah kooxda aan illaa hadda laga badinin tartamada oo dhan ee rikoodhka dhigaysa, ayaa waxa ay isku dhaceen West Ham United oo ay midkood usoo gudbi doonto wareegga semi-finalka, halka kooxaha Talyaaniga ah ee AC Milan iyo AS Roma ay iyaguna isku dhaceen, taas oo Talyaaniga u damaanad-qaadaysa in ugu yaraan hal koox ay u tegayso afarta ugu dambeeya.
Benfica ayaa sidoo kale waxa ay ku beegantay kooxda reer France ee Marseille.
Isku-aadka oo dhamaystiran
AC Milan vs AS Roma
Liverpool vs Atalanta
Bayer Leverkusen vs West Ham
Benfica vs Marseille.
Waxa kale oo la shaaciyey sida ay kooxuhu u wada ciyaari doonaan wareegga afar dhamaadka ama semi-finalka oo mar kale kala ilaaliyey Bayer Leverkusen iyo Liverpool, taas oo ka dhigan in Jurgen Klopp uu haysto dariiq fudud oo uu ku tegi karayo finalka.
Liverpool ayaa haddii ay kasoo adkaato Atalanta, waxa ay la ciyaari doonaa Benfica iyo Marseille midkooda soo gudba, halka Bayer Leverkusen haddii ay soo gudubto ay waajihi doonto AC Milan iyo AS Roma midkood.
Sida loo ciyaarayo Semi-finalka Europa League
Benfica/Marseille vs Liverpool/Atalanta
AC Milan/AS Roma vs Bayer Leverkusen/West Ham