Isku-aadka wareegga siddeedda Champions League oo la shaaciyey, ayaa waxa lasii raaciyey sida kooxaha soo gudba ay isku arkayaan wareegga afar-dhamaadka ama semi-finalka oo damaanad-qaadaya in hal koox oo Ingiriis ah ay tegi karto finalka haddii ay Arsenal iyo Man City kasoo gudbaan wareegga siddeedda.
Kooxaha waaweyn ee aadka loogu saadaalinayo tartanka ee Real Madrid oo 14 jeer ku guuleysatay koobka iyo Manchester City oo saddexda koob ee Champions League, Premier League iyo FA Cup isku darsatay xilli-ciyaareedkii hore ayaa isku dhacay, laakiin mid walba waxa lasii ogeysiiyey haddii ay soo baxdo naadiyada ay nasiibsan doonaan wareegga xiga ee ka hor istaagaya finalka.
Arsenal iyo Bayern Munich ayaa iyaguna waxa ay ogsoon yihiin, in midkooda soo gudba ay imtixaan weyn mari doointo si ay u gaadho finalka, waxaana xaqiiqo ah in afartan kooxood ee Bayern Munich, Arsenal, Real Madrid iyo Manchester City ay midkood iman doonto finalka maadama ay isku xidhan yihiin.
Sidoo kale, Barcelona iyo Paris Saint-Germain oo lagu xasuusto kulamadii ay labada dhinac kala joogeen Lionel Messi iyo Neymar ayaa isku dhacay oo ay midkood u gudbi doonaa semi-final, laakiin waxa ka horreeya oo foodda is-dari doonaan midkooda soo gudba Atletico Madrid iyo Borussia Dortmund.
Isku-aadka wareegga siddeedda Champions League
Arsenal vs Bayern Munich
Atletico Madrid vs Borussia Dortmund
Real Madrid vs Man City
PSG vs Barcelona
Isku-aadka wareegga semi-finalka
Atletico Madrid iyo Borussia Dortmund midkooda soo gudba waxa ay la ciyaari doontaa Barcelona iyo PSG midkooda soo guuleysta.
Arsenal iyo Bayern Munich midkooda soo badiya, waxa uu waajihi doonaa Real Madrid iyo Manchester City midkooda soo gudba.
Atletico Madrid/Dortmund vs PSG/Barcelona.
Arsenal/Bayern vs Real Madrid/Manchester City
Goorma ayaa la ciyaarayaa wareegga siddeedda, semi-finalka iyo Finalka
Wareegga Siddeedda: Lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League, waxa la dheeli doonaa 9/10 April, halka lugta labaadna ay kooxuhu is-arki doonaan 16/17 April, waana laba usbuuc oo isku xiga.
Semi-finalka: Lugta hore ee wareegga semi-finalka waxa waxa la ciyaari doonaa 30 Apil & May 1, halka lugta labaadna la dheeli doono 7da iyo8da May, waana laba usbuuc oo isku xiga oo nasasho la’aan ah.
Finalka: Waxa la ciyaari doonaa 1 June, 2024.