Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka horjoogsatay labadeeda ciyaartoy ee Aurelien Tchouameni iyo Eduardo Camavinga inay tagaan xulka qarankooda Faransiiska, inkasta oo ay ku jiraan xiddigaha loo xulay kulamada saaxiibtinimo ee bishan March.
Tababaraha xulka qaranka Faransiiska ee Didier Deschamps ayaa labadan ciyaartoyba ku daray liiska 23 ciyaartoy oo uu u xushay kulamada saaxiibtinimo ee bishan March, iyadoo dhinaca kalena uu ka reebay liiska Ferland Mendy oo ay dhaawacyo daashadeen.
Kylian Mbappe ayaa sidii laga filayey hoggaamin doona xulka France oo la dheeli doona xulalka Germany iyo Chile, balse waxa uu khilaaf ka dhashay go’aan ay qaadatay Real Madrid oo ah in aanay labadan ciyaartoy midkoodna u ogolaanin inay ka mid noqdaan qorshaha Faransiiska ee ciyaaraha olombikada.
Sida uu qoray wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska, Real Madrid ayaa warqad rasmi ah u dirtay xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska, waxaanay ku wargeliyey in aanay usoo fasaxaynin labadan ciyaartoy oo aanay ku xisaabtamin ciyaaraha Olombikada adduunka, isla markaana aanay xisaabtooda ku darsanin.
Si kastaba ha ahaateel Real Madrid oo sidoo kale rajaynaysa inay la saxeexato Kylian Mbappe ayaa la filayaa in go’aankeedani uu samayn doono laacibkaas oo isagana aan loo ogolaan doonin inuu u dheelo xulkiisa ciyaaraha olombikada.