Afar ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee Real Madrid ayaa laga ganaaxi doonaa lugta labaad ee wareegga sideedda Champions League ee ay martida u noqon doonaan Manchester City.
Los Blancos ayaa sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah la ciyaaraysa Man City tartanka Champions League iyadoo mar kale uu maanta isku riday nasiibkoodu.
Isku-aadkii la sameeyey maanta, ayaa waxa uu keenay in ay wareegga siddeedda isku dhacaan Bayern Munich iyo Arsenal, sidoo kalena Man City iyo Real Madrid, halka PSG ay waajihi doonto Barcelona iyadoo Atletico Madrid iyo Borussia Dortmund ay kala calaf qaadi doonaan.
Real Madrid ayaa ku dhacday kooxdii ay sida weyn ugu ducaysanaysay inay kala badbaadaan, sababtoo ah City ayaa waqtigan aad uga awood badan iyadoo xilli-ciyaareedkii horena ay karbaasheen Madrid.
Real Madrid ayaa waxa cabsideeda sii kordhinaya afar ciyaartoy oo min hal kaadh haddii ay qaataan lugta hore, aan kooxdooda u raaci doonin lugta labaad ee Etihad Stadium ee dhamaadka bisha March.
Ciyaartoyda Manchester City oo khubaro ku ah inay daandaansadaan ciyaartoyda kaadhadhka haysta, si ay ugu riixaan in kaadh kale loo taago, ayaa waxa wadnaha farta ku haysa Real Madrid.
Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa haddii uu kaadh huruud ah qaato lugta hore, waxa uu ka maqnaan doonaa ciyaarta labaad. Waxa sidaas oo kale ah Vinicius Junior oo ah ciyaartoy aan dareenkiisa xakamayn karin, Aurelien Tchouameni iyo Eduardo Camavinga.