Man United ayaa diyaar u ah inay aqbasho qasaaro 40 milyan ginni ah si ay u iibiyaan Jason Sancho.
Ciyaaryahanka ayaa diiday inuu kooxda ku laabto ilaa iyo tababare Erik ten Hag laga ceyrinayo sida ay sheegtay The Sun.
Xiddiga garabka ka ciyaara oo 73 milyan ginni uga soo wareegay Borussia Dortmund sannadii 2021kii ayaa amaah dib ugu laabtay kooxda Jarmalka ka dib markii ay isku dhaceen tababare Erik ten Hag.
The Sun ayaa ogaatay in Dortmund ay diyaar u tahay inay 35 milyan ginni kula wareegto Sancho xagaagan.
Madaxda United ayaa ka quustay inay hishiisiiso Ten Hag iyo Jadon Sancho.
23 jirkaan ayaa ku tilmaamay tababare Ten Hag beenlow ka dib markii tababaraah Old Trafford uu sheegay in Sancho uusan tababar si fiican u qaadanin.
Sancho ayaa diiday inuu raaligelin bixiso taasoo keentay in lagu qasbo inuu tababar la qaato ciyaartoyda akadeemiga ka hor inta aan amaah lagu siinin Dortmund bishii Janaayo, halkaasoo uu bilaabay inuu dib u helo qaab ciyaareedkiisii hore.
Waxa uu kooxda Jarmalka u ciyaaraay sideed kulan ilaa iyo haatan iyadoo labo ka mid ah uu ka soo kacay kursiga keydka.
Wuxuu u dhaliyay hal gool isagoo sameeyay labo caawin. Man United ayaana si dhow u la socota qaab ciyaareedkiisa balse xiddigaan ayaa diiday inuu United ku soo laabto inta uu joogo Ten Hag.