Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa shaaciyey liiska ciyaartoyda xulka qarankiisa ee la ciyaari doona waddamada Brazil iyo Belgium bishan aynu ku jirno ee March.
Xulka qaranka England ayaa yeelan doona laba ciyaarood oo adag oo saaxiibtinimo oo ay iskugu diyaarnayaan tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 oo bilaabmi doona bisha June.
England ayaa waxa ay maalinta Sabtida ee March 23 la ciyaari doontaa xulka Brazil oo marti u noqon doona, halka ay safar ugu tegi doonaan Belgium maalinta Salaasada ee March 26.
Ingiriiska ayaa usoo gudbay tartanka qaramada Yurub bishii October, iyaga oo wixii waqtigaas ka dambeeyey ay isku diyaarinayaan xulashada ciyaartoydooda iyo qiimaynta xiddigaha ay ula safri doonaan waddanka Germany ee tartanka lagu qaban doono.
Xiddigaha xulka qaranka England ayaa waxa lagu soo daray weeraryahanka Newcastle ee Anthony Gordon oo ay tahay markiisii koowaad ee lagu daro xulka qaranka dalkaas, laakiin arrinta cajiibka ah ayaa waxa ay tahay inuu dhaawacan yahay.
Waxa kale oo loogu yeedhay xulka markiisii ugu horreysay difaaca Everton ee Jarrad Branthwaite oo 21 jir ah iyo difaaca Liverpool ee Joe Gomes oo ay ugu dambaysay xulka dalkaas sannadkii 2020 oo isaga oo tababarka la bilaabay uu soo gaadhay dhaawac uu sannad u jiifay.
Xulka qaranka England ayaa waxa ka maqan xiddigaha dhaawaca ah ee Kieran Trippier, Luke Shaw, Trent Alexander-Arnold iyo Reece James, waana halka uu fursadd aka helay Joe Gomez.
Southgate waxa kale oo uu xulka ugu yeedhay Cole Palmer oo ay la filayey inuu qayb ka noqdo xulka England, balse Raheem Sterling ayaa markii lixaad oo xidhiidh ah laga reebay xulka, halka aan boos loo helin da’yarka Man United ee Kobbie Mainoo.
Liiska xulka England waajihi doona xulalka Brazil iyo Belgium
Goolhayeyaal: Sam Johnstone, Jordan Pickford, Aaron Ramsdale.
Difaaca: Jarrad Branthwaite, Ben Chilwell, Lewis Dunk, Joe Gomez, Ezri Konsa, Harry Maguire, John Stones, Kyle Walker.
Khadka Dhexe: Jude Bellingham, Jordan Henderson, Conor Gallagher, James Maddison, Declan Rice.
Weerarka: Jarrod Bowen, Phil Foden, Anthony Gordon, Harry Kane, Cole Palmer, Marcus Rashford, Bukayo Saka, Ivan Toney, Ollie Watkins.