Tababaraha Porto Sergio Conceicao ayaa ku eedeeyay Mikel Arteta inuu aflagaadeeyay qoyskiisa intii ay socotay ciyaartii Champions League ee ay Arsenal ka badisay Porto.
David Raya ayaa noqday geesiga Arsenal isagoo kooxdiisa u soo saaray wareega sideed dhamaadka markii ugu horeysay tan iyo 2010kii, isagoo badbaadiyay labo rigoore.
Laakiin ciyaarta waxaa hareeyay isku dhacyo labada kooxood ah iyo ciyaartoyda kursiga keydka, halka labada tababare ee Arteta iyo Conceicao ay hadalo kulul isweydaarsadeen dhamaadkii ciyaarta.
Conceicao ayaa sheegay in Arteta uu xushmad darro u muujiyay qoyskiisa intii ay ciyaarta socotay.
“Natiijada waxay aheyd cadaalad darro. Kooxdeena ayaa u qalantay inay soo baxdo” ayuu yiri tababaraha Porto.
“Arteta wuxuu luqada isbaanishka ku aflagaadeeyay qoyskeyga. Waa inuu diirada saaro tababarka kooxdiisa.”
Arteta ayaa beeniyay eedeymaha Sergio Conceicao iyadoo shaqaalaha tababarka Arsenal ay sheegeen in tababaraha reer Spain uusan waxba ka oran qoyska tababaraha ka soo horjeeday.
Si kastaba, tababaraha Gunners ayaa si faahfaahsan uga hadlay guushooda isagoo yiri: “Habeen mucjiso ah ayay aheyd. Waxaan helnay wixii aan ka fileynay koox adag oo si fiican u agaasiman.”
“Waxaan dhalinay gool qurux badan. Khibrad weyn ayay inoo tahay, waan u baahneyn rigoorooyinka, waana isku diyaarinay.”