Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa soo bandhigtay lacagta ay ka heshay tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedkan socda oo ay u gudbeen wareegga siddeedda, waxaanay rajaynayaan in isku-aadka la samayn doono Jimcaha ay ku dhici doonaan koox fudud si ay si sahlan ugu gudbi karaan semi-finalka.
Real Madrid ayaa wareeggii 16ka, waxa ay kusoo dhaaftay kooxda reer Germany ee RB Leipzig oo ay celceliska labadii ciyaarood kaga adkaatay 2-1, waxaana uga sii horreeyey wareeggii groupyada oo ay ka sameeyeen dhaqaale badan.
Los Blancos oo la filayo inay la saxeexato Kylian Mbappe oo xagaaga iman doona Santiago Bernabeu, sidoo kalena soo dhoweyn doonta da’yarka Brazil ee Endrick oo horraanta bisha July soo gaadhi doona Spain marka ay da’diisu noqoto 18 jir, ayaa waxa ay meel sii dhigatay lacag badan oo ay ka samaysay tartanka Champions League.
Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Arancha Rodriguez, Real Madrid ayaa waxa ay mar horeba xaqiijisatay €55 milyan oo Gini oo ay UEFA siinayso kaddib markii ay usoo gudbeen wareega siddeeda Champions League.
Haddii ay finalka gaadho, Real Madrid ayaa lacagta ay ka helayso UEFA waxa ay gaadhi doontaa illaa €100 milyan oo Euro.