Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa qorshaynaya tallaabo weyn oo isbeddel ku samayn doonta dunida ciyaaraha, taas oo taageereyaasha kubadda cagta iyo kooxahooda u ogolaan doona inay doortaan amaba soo xushaan kooxaha ay ku beegmayaan isku-aadka wareegyada kala duwan ee tartanka Champions League.
UEFA oo isbeddel ku samaysay tartanka Champions League xilli-ciyaareedka dambe, isla markaana tirada kooxaha oo hore u ahaa 32 ka dhigtay 36 naadi, ayaa waxa mar kale ay UEFA ka fiirsanaysaa inay sii waddo isbeddellada.
36ka kooxood ee xilli-ciyaareedka soo socda, waxa ay koox walba ciyaari doontaa siddeed kulan, kaddibna siddeedda ugu dhibcaha ama guulaha badnaana ayaa u gudbi doona wareegga 16ka, halka naadiyada soo gala kaalmaha 9aad illaa 25aad iyagana loo samayn doono isku-aad kale oo toos ah oo ay siddeed ka mid ahi soo bixi doonaan, si loo helo 16 kooxood oo marxaladda labaad usoo gudba.
Iyadoo la sugayo isbeddelkan, ayaa waxa ay UEFA ka fikiraysaa inay samayso arrin kale oo layaab noqon doonta oo ah in kooxaha loo ogolaado inay doortaan naadiyada ay la dheelayaan wareegyada group-yada iyo marxaladaha kaleba.