Manchester United ayaa bartilmaameedkeeda ugu weyn ee xagaaga soo socda waxa ay ka dhigatay difaaca da’da yar ee reer England ee Jarrad Branthwaite oo ah 21 jir u ciyaara Everton. (Star)
Garabka weerarka Crystal Palace iyo xulka France ee Michael Olise oo 22 jir ah, ayaa isaguna ku jira liiska xiddigaha ay doonayso Man United. (Football Transfers)
Man City ayaa ka faa’iidaysanaysa waqtiga xun ee ay ku jirto Newcastle United, waxaanay kasoo qaadan doontaa khadka dhexe ee reer Brazil ee Bruno Guimaraes oo 26 jir ah marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda. Qandaraaska Bruno ee Newcastle ayaa lagu burburin karayaa £100 milyan oo Gini. (Football Transfers)
Tottenham ayaa tartanka kula soo biirtay Man City, Liverpool, Newcastle iyo Aston Villa oo isku haysta garabka weerarka Wolves iyo xulka Portugal ee Pedro Neto oo 24 jir ah. (Football Insider)
Tababaraha Liverpool kasii tegaya ee Jurgen Klopp ayaa maamulka kooxda kula taliyey inay la saxeexdaan difaaca bidix ee reer Algeria ee Rayan Ait-Nouri oo u dheela Wolves, waxaase 22 jirkan doonaysa Manchester United. (Teamtalk)
Garabka weerarka reer England ee Jadon Sancho oo 23 jir ah, ma doonayo inuu dib ugu soo laabto kooxdiisa Manchester United kaddib markii ay amaah ugu direen Borussia Dortmund, waxaana uu ku eedeeyey tababare Erik ten Hag inuu burburinayo mustaqbalkiisa. (Bild)
Difaaca reer Portugal ee Joao Cancelo oo 22 jir ah, ayaa doonaya inuu sii joogo Barcelona oo aanu dib ugu laabannin Manchester City oo amaah ugu dirtay Camp Nou xagaagii. (Gazzetta dello Sport)
Chelsea waxa ay ka mid tahay tiro kooxo ah oo indhaha ku haya khadka dhexe ee reer Senegal ee Mario Dorgeles oo ah 19 jir u ciyaara kooxda Danish-ka ah ee FC Nordsjaelland. (Tipsbladet)
Bayern Munich ayaa isku dayaysa inay sii haysato difaaca bidix ee reer Canada ee Alphonso Davies, waxaanay u bandhigtay qandaraas cusub oo uu ku qaadanayo lacag u dhaxaysa £9.4 milyan oo Gini illaa £11.1 milyan oo Gini, laakiin 23 jirkan ayaa dalbanaya £17 milyan oo Gini oo u dhiganta 20 milyan oo Euro in mushahar ahaan loo siiyo sannadkii. (Sky Sports Germany)