Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ayaa shaaciyey garsooraha dhax-dhaxaadin doona ciyaarta adag ee Barcelona iyo Napoli ee lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League, taas oo Salaasada ay labada kooxood foodda isku dari doonaan garoonka Estadi Olímpic Lluís Companys.
Lugtii hore ee labada kooxood ee garoonka Diego Armando Maradona Stadium ayaa kusoo dhamaaday barbarro 1-1 ah, waxaana kooxda u gudbaysa wareegga 16ka lagu go’aamin doonaa garoonka Barcelona fiidka Salaasada.
Ciyaartan ayaa waxa uu xidhiidhka kubadda cagta Yurub u doortay inuu dhaxdhaxaadiyo garsooraha reer Netherlands ee Danny Makkelie oo ka mid ah garsooreyaasha ugu wanaagsan kubadda cagta waqtigan.
Afar jeer oo hore ayuu garsoore Danny Makkelie soo qabtay kulamo ay ciyaarayso Barcelona, waxaana ay guuleysteen laba ka mid ah halka mar barbarro ah iyo mar laga badiyeyna ay ku darsadeen.
Markii ugu dambaysay ee uu Danny Makkelie garsoore ka noqdo ciyaar ay Barcelona dheelayso waxa ay ahayd guul-darradii 2-0 ahayd ee ay kala soo kulmeen Bayern Munich xilli-ciyaareedkii 2022-23.
Garsooraha VAR ayaa sidoo kale loo magacaabay Pol Van Boekel oo u dhashay waddanka Netherlands. waxaana gacan-yare u noqonaya Dennis Higler.