Gary Lineker Oo Ka Hadalay Kooxaha Ogu Xooggan Champions league, Arsenal Oo Laga reebay Tirada
Gary Lineker ayaa magacaabay shanta kooxood ee ugu xooggan tartanka Champions League, isagoo iska indho tiray Arsenal oo ay dhaawacyo culus la dageen.
Arsenal waxay ka mid ahayd kooxihii ugu waxqabadka fiicnaa ee Champions League ee dib loo habeeyay, iyagoo kaalinta saddexaad kaga dhammeystay kooxaha usoo baxay wareegga 16-ka.
Gunners ayaa isku dayaysa inay ku guuleysato koobkeedii ugu horreeyay ee Champions League, balse dhibaatooyin dhaawac ayaa soo wajahay bishii la soo dhaafay, iyadoo Bukayo Saka, Kai Havertz, Gabriel Jesus iyo Gabriel Martinelli ay dhammaantood dhaawac kaga maqan yihiin.
Lineker uma arko Arsenal inay ka mid tahay kooxaha ugu cadcad hanashada Champions League, balse wuxuu aaminsan yahay in koobka uu ku dambeyn karo England.
Daadihiyaha Match of the Day wuxuu sheegay in Liverpool ay mid tahay kooxaha ugu cadcad hanashada tartanka, halka uu rumeysan yahay in Manchester City oo qaab ciyaareed liita la daalaa dhaceysa ay ku guuleysan karto tartanka haddii ay toddobaadkan ka gudubto Real Madrid.
Dhinaca kale, Lineker wuxuu la dhacay qaab ciyaareedka Atletico Madrid iyo Inter Milan oo labaduba si toos ah ugu gudbay wareega bug-baxa, iyagoo ka fogaaday in ay ciyaaraan kulamada isreeb-reebka.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Rest is Football, Lineker wuxuu yiri: “Kooxaha ugu xooggan ee Champions League? Dabcan waa Liverpool, sidoo kale Real Madrid haddii ay soo gudubto, balse Man City iyaduna waa mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya.
“Kadib waxaan xusi lahaa Inter Milan iyo Atletico Madrid. PSG way soo hagaageen, haddii aad xilli-ciyaareedkan bilowgiisa i weydiiso in ay ku guuleysan karaan, waxaan dhihi lahaa ‘maya, ma arko taas’.”
Paris Saint-Germain waxay Manchester City kaga adkaatay wareega group-yada, balse waxay seegtay boos toos ah oo ay ugu gudbi lahayd wareega xiga.
Si kastaba ha ahaatee, PSG waxay u dhowdahay inay u gudubto wareega bug-baxa, kadib markii ay 3-0 kaga adkaadeen Brest lugtii hore ee isreeb-reebka.
Markii uu qiimeynayay fursadaha PSG ee Champions League, Alan Shearer wuxuu yiri: ” koox ahaan weey ka fiican yihiin sidii hore muddo dheer.
“iney hanan karaan koobka ma hubo, balse waxay noqon karaan kuwa lama filaan ah.”
Dhanka kale, daaficii hore ee Manchester City Micah Richards ayaa amaanay weerarka halista ah ee Bayern Munich, maadaama Vincent Kompany uu isha ku hayo hanashada Champions League xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda.