Vinícius Júnior kuma guuleysan Ballon d’Or bishii hore, laakiin isku day inaad u sheegto taageerayaasha Real Madrid inuusan u qalmin Vinícius ku guuleysiga Ballon d’Or,” taageerayaashii ku sugnaa Santiago Bernabeu ayaa ku heesay Sabtidii.
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa u dhaliyay Real Madrid seddexleey kulankii ay 4-0 kaga badisay Osasuna hortaalka LaLiga Spain.
Waxa ay ahayd Vinícius saddexleydiisii labaad ee Bernabeu ku dhaliyo muddo laba toddobaad gudahood ah.
Oct. 22, kulankii Borussia Dortmund ee Champions League, wuxuu dhaliyay seddex gool qeybtii labaad, isagoo ka caawiyay Madrid inay 5-2 ku badiyaan.
Bandhiga ayaa saxafiyiin ku sugnaa Bernabeu waxay ku qeexeen kii ugu fiicnaa abid Vinícius uu sameeyo xirfadiisa ciyaareed.
Ma ahan kaliya taageerayaasha, ama warbaahinta dadka amaanaya Vini, laacibka ay isku kooxda yihiin ee Jude Bellingham ayaa ugu yeeray Vinícius mid aan la joojin karin kadib ciyaartii Osasuna.
“Hogaamiye ayuu inoo yahay,” Bellingham ayaa yiri.
Macalinka Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa isna wax shaki ah ka muujin awooda laacibkaan reer Brazil, wuxuu markii ugu horeysay ugu yeeray Vinícius kan ugu fiican aduunka” bishii Febraayo ee sanadkan, ka dib markii uu dhaliyay hal gool, labo kalana caawiyay kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Girona horyaalka Laliga.
Naadigiisa Vinícius waa mid cajiib ku ah Xilli ciyaareedkan, wuxuu u dhaliyay 12 gool 17 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan.
Sannadkii hore, waxa uu dhaliyay 24 gool, oo uu kujiro goolkii muhiimka ahaa ee finalkii Champions League.
Laakiin taasi kuma filnaan in lagu qanciyo gudigii bixinayay abaalmarinta Ballon d’Or in ay u dortaan kan ugu fiican adduunka.
Maxay Tahay Sababta uusan saameyn ugu laheyn xulka?
Shan sano oo uu u ciyaarayay dalkiisa Brazil, Vinícius ayaa dhaliyay kaliya shan gool.
Laba ka mid ah waxay yimaadeen hal kulan, oo ahaa Copa América sanadkii hore.
Vinícius hadda waa 24 jir, wuxuu awooday in qaab ciyaareedkiisa Real Madrid uu sare u qaado, laakiin guulihiisa Brazil maxaa hortaagan?
Iyadoo Koobka Adduunka ee 2026 uu nagu soo wajahan yahay, waa meesha ugu dhaw oo uu laacibkaan nagu tusi karo awoodiisa ciyaareed ee xulka qaranka Brazil.