Liverpool iyo Real Madrid oo Wajahaya Kulankii ugu Adkaa ee Champions League.
Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa caawa ku kulmaya garoonka Anfield kulan ka tirsan tartanka Champions League, kaas oo muhiim u ah labada dhinac.
Liverpool ayaa kulankan soo galaysa iyada oo doonaysa in ay sii wado rikoodhkeeda wanaagsan ee tartankan, halka Real Madrid ay ku qasban tahay guul si ay u hesho rajo fiican oo ku aaddan u soo bixitaanka wareegga xiga.
Hoos ka akhriso meelaha ay labada kooxood ku kala badin karaan:
Carlo Ancelotti vs Arne Slot
Kulankan wuxuu noqon doonaa isku dhac u dhexeeya laba tababare oo qaab ciyaareedkoodu aad u kala duwan yahay. Carlo Ancelotti, oo ah mid ka mid ah tababarayaasha ugu khibradda badan Champions League, ayaa ku dagaallami doona khibraddiisa si uu u jebiyo falsafadda casriga ah ee Arne Slot, kaas oo caan ku ah ciyaar degdeg ah oo weerar ku dhisan.
Ciyaartan waxay noqon doontaa mid uu caqliga tababarayaashu saameyn weyn ku yeesho natiijada.
Virgil van Dijk vs Kylian Mbappé
Virgil van Dijk, oo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa dib u helay xilli ciyaareedkan, ayaa wajihi doona weeraryahanka halista badan ee Kylian Mbappé. Waa tijaabo adag oo uu wajahayo kabtanka Liverpool, iyadoo Mbappé uu caan ku yahay inuu jebiyo difaacyada ugu adag caalamka.
Ryan Gravenberch vs Jude Bellingham
Labadan xiddig ee khadka dhexe ayaa horay isaga hor yimid saddex jeer, waxaana dhamaantood guuleystay Ryan Gravenberch. Ciyaaryahanka reer Netherlands ayaa ku jira qaab ciyaareed wanaagsan, laakiin wuxuu wajihi doonaa Bellingham oo ah laf-dhabarta khadka dhexe ee Real Madrid.
Luis Díaz vs Federico Valverde
Federico Valverde ayaa la filayaa inuu buuxiyo booska daafaca garabka midig ee Real Madrid, taas oo ka dhigan inuu ka hor imaan doono Luis Díaz, xiddiga Liverpool ee qaab ciyaareedka heerka sare ah ku jira. Waxa ciyaartan xiisaha u yeeli doona waa Valverde oo difaacaya iyo Díaz oo isku dayaya inuu jebiyo difaacaas.
Mohamed Salah vs Antonio Rüdiger
Mohamed Salah ayaa wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu wajahayaa daafaca adadag Antonio Rüdiger. Salah, oo aan waligiis guul ka gaarin Real Madrid, ayaa isku dayi doona inuu taariikh cusub sameeyo caawa, halka Rüdiger uu ku dadaali doono inuu xakameeyo halista Salah.
Ciyaartan oo ah mid u dhexeysa taariikh iyo rajo cusub ayaa noqon doonta mid xiiso leh, iyadoo labada kooxood ay ku dagaalami doonaan inay ka guuleystaan midba midka kale.