Halyeeyga United Roy Keane ayaa aaminsan in Man United ay u baahantahay ciyaartoy kale oo aan ahayn Eriksen si ay usoo yarayso farqiga u dhaxeeya Man City iyo Arsenal.
United ayaa barbaro 0-0 ah la gashay Aston Villa ka hor intii aan la aadin kulamada xulalka, ayaa la timi dhibco ah 8 dhibcood oo ay ugu jiraan kaalinta 14aad, taas oo ka dhigan in ay la yimaadeen mid ka mid ah bilaabashooyinkii ugu liitay abid ee taariikhda kooxda Man United.
Eriksen oo kulankii ay Man United bareejaha la gashay kooxda Twente kadib yidhi: waxa aad moodaa in kooxda Twente ay ka doonis badnayd United”.
Hadalkan ayaa ka caraysiiyey kabtankii hore ee United Roy Keane oo sheegay inaysan ahayn in dareenka noocaas ah uu saxaafada la wadaago oo aysan ahayn wax fiican.
” waxaan ahaan laha mid nacas ah, hadii aan kulan kadib dareemi lahaa in kooxda kale naga doonis badneyd”
“Eriksen ma ahan ciyaaryahan soo yarayn kara farqiga u dhaxeeya United iyo kooxaha Man City iyo Liverpool, run ahaanti ma ahan.
Keane ayaa sidoo kale sheegay in uu gebi ahaanba ka niyad jabay kooxdiisi hore ee Man United kulankii Twente ee Europe League kadib
Keane”kadib kulankii Twente, kulan liitay, marka ay jiraan ciyaartoy kulanka kadib odhanaya waxaa aad u malaynaysaa in kooxda kale naga doonis badneyd, waan is dhiibay marxaladaas.
Hadii uu kaasi yahay hadalka ka imanaya qolka labiska, la yaab ma laha in uu tababaruhu cadaadis saaranyahay, la yaabna ma lahan hadii ayna badinayn kulamada ay ciyaarayaan.