Labada garsoore ee UEFA, Bartosz Frankowski iyo Tomasz Musial, ayaa la ganaaxay illaa Juun 2025 ka dib markii lagu qabtay iyagoo sakhraansan oo xadaya calaamad waddo. Dhacdadan ayaa dhacday ka hor isreebreebka Champions League ee u dhexeeya Rangers iyo Dynamo Kyiv.
Frankowski iyo Musial oo labaduba ah garsoorayaal khibrad leh ah ayaa boolisku xiray ka dib markii Kamerada CCTV-ga qabatay ayagoo alaamada wata abaaro 1:40 habeennimo.Maamulka ayaa sheegay in raggan ay sakhraansanaayeen, iyadoo heerka khamriga dhiiggu uu ka sarreeyay 1.5.
Markii hore, xidhiidhka kubbada cagta Poland ayaa hakiyay shaqada garsoorayaasha, UEFA ayaa tan iyo markaas soo rogtay ganaax dheeri ah ka dib markii ay ku xad-gudbeen “sharciyada aasaasiga ah ee anshaxa wanaagsan.” Ciyaarta kahor ayaa masuuliyiinta lagu bedelay laba garsoore oo kale dhacdada awgeed.
War qoraal ah oo uu soo saaray, Frankowski waxa uu ku muujiyay sida uu uga xun yahay, isaga oo ku tilmaamay dhacdadan “Prank nacasnimo ah” oo uu hadda u aqoonsan yahay masuuliyad-darro iyo xirfad-darro. Waxa uu qiray in hab-dhaqankiisu ay mugdi gelisey xirfadiisa garsoorenimo ee 22-sano ah, isaga oo ku sifeeyay mid nacasnimo ah.
Frankowski ayaa ku nuuxnuuxsaday in uu ahaa falkii dhacay mid kaftan ah, Waxa uu xusay in hadda uu fahmay cawaaqib xumada ka dhalan karta falkiisa.
In kasta oo ay raaligelin ka bixiyeen, UEFA iyo FA-ga Poland ayaa taageeray ganaaxa. Ciyaartii lagu waday in ay dhexdhexaadiyaan ayaa ku soo idlaatay barbaro 1-1 ah, iyadoo Dynamo Kyiv ay ugu dambeyntii ku badisay 3-1 isreebreebka tartanka.