2 Caqabadood Oo Hortaagan Heshiiska Joogtada Ah Ee Ronald Araujo Iyo Go’aanka Kooxda Liverpool

Kooxda Liverpool ayaa ka cago-jiidaysa inay si rasmi ah ula wareegto daafaca reer Uruguay, Ronald Araujo, inkastoo uu xilli-ciyaareedkan noqday mid ka mid ah xiddigaha ay taageerayaasha Anfield aadka u jecel yihiin.

27-jirkan oo ka ciyaara daafaca dhexe iyo garabka daafaca ayaa tababare Andoni Iraola u saftay 17 kulan, isagoo dhaliyay laba gool mid kalena caawiyay. Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa u aragta in qiimaha £47 milyan (€55 milyan) ee heshiiskiisa uu yahay mid aad u sarreeya, waxayna doonaysaa inay hoos ugu dhigto inta u dhaxaysa £40 milyan ilaa £45 milyan.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo ku sugan Spain, caqabadda ugu weyn ee hortaagan heshiiska joogtada ah waa mushaharka Araujo. Suxufiga Xavi Espinosa ayaa qoray in mushaharka 8-da milyan ah ee uu qaato uu ka badan yahay ku dhowaad dhammaan ciyaartoyda Liverpool, taas oo ah meesha ay kooxdu doonayso inay wada-hadalka ka furto si ay qiimaha iyo mushaharkaba u dhinto.

Dhankiisa, Araujo ayaa sheegay inay weli goor hore tahay in laga hadlo mustaqbalkiisa, balse wuxuu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay waayihiisa Liverpool iyo qaab-ciyaareedka adag ee Premier League. “Weli waddo dheer ayaa noo dhiman, arrintuna kuma xirna hal qof oo keliya, ee dad badan ayay ku xiran tahay. Waan ku faraxsanahay khibraddan,” ayuu yiri.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular