Waa jira doodo badan oo kubada cagta ah oo aan waligood xal loo heli doonin laakiin taasi kama joojineyso taageerayaasha inay ka doodaan. Waxaa ka mid ah Lionel Messi vs Cristiano Ronaldo, Pele vs Maradona iyo xiddiga fiican Paul Scholes, Steven Gerrard iyo Frank Lampard.
Seddexduba waxay ahaayeen xiddigo waa weyn oo ay aad u jecel yihiin taageerayaasha Manchester United, Liverpool iyo Chelsea. Qof waliba feker gooni ah ayuu ka heystaa seddex xiddig ee Ingariiska ah midka ugu fiican.
Laakiin maxay ka aaminsan yihiin xiddigihii ka soo garab ciyaaray ama ka horyimid? Shabakada Givemesport ayaa soo uruurisay ra’iyiga 19 ciyaaryahan ee ku aadan xiddiga fiican seddexda halyeey ee Scholes, Gerrard iyo Lampard.
Cesc Fabregas, Bruno Fernandes, Michael Owen, Toni Kroos, Kaka, iyo xiddigo kale ayaa fekerkooda ka dhiibtay xiddiga fiican seddexda halyeey.
Scholes vs Gerrard vs Lampard – Jawaabta 19 Ciyaarayahan | |
---|---|
Cyaaryahan | Dookhooda |
Cesc Fabregas | Steven Gerrard |
Bruno Fernandes | Paul Scholes |
Michael Owen | Steven Gerrard |
Toni Kroos | Paul Scholes |
Kaka | Steven Gerrard |
Thierry Henry | Paul Scholes |
Deco | Paul Scholes |
Kieron Dyer | Paul Scholes |
Pep Guardiola | Paul Scholes |
Bryan Robson | Steven Gerrard |
Sergio Aguero | Frank Lampard |
Teddy Sheringham | Steven Gerrard |
Gary Neville | Paul Scholes |
Jamie Carragher | Steven Gerrard |
Wilfried Zaha | Steven Gerrard |
Robbie Savage | Steven Gerrard |
Joe Cole | Steven Gerrard |
Wayne Rooney | Paul Scholes |
Mark Noble | Steven Gerrard |
19ka xiddig ee codkooda dhiibtay 10 ka mid ah waxay u codeeyeen halyeeyga Liverpool Steven Gerrard, waxaa ka mid ah xiddigihii u codeeyay Cesc Fabregas, Kaka, iyo Michael Owen.
Waxaa labaad soo galay Paul Scholes oo sideed cod helay, waxaa halyeeyga Man United u codeeyay xiddigaha Toni Kroos, Thierry Henry, Pep Guardiola, Bruno Fernandes iyo Wayne Rooney.
Kaliya Sergio Aguero ayaa u codeeyay halyeeyga Chelsea Frank Lampard.
Bruno xagay isku arkeen ninmanka lamana ciyaarin kamana hor iman