Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xagaaga soo socda uu u noqon doonaa mid kale oo muhiim ah oo suuqa iibka ciyaartoyda ay galaangal badan ku yeelan doonaan, waxaana la flayaa in ciyaartoyda imanaysa ay ka badnaan doonaan kuwa baxaya.
Tababare Xavi Hernandez ayaa hormood ka noqon doona shaqsiyaadka bixi doona, waxaana sidoo kale raaci doona dersin ciyaartooyo ah.
Masuuliyiinta kooxda ayaa la sheegay in kaliya ay haystaan 11 ciyaartoy oo lama-taabtaan ah oo aanay marnaba iibin doonin, laakiin waxa aan ciyaartoydaas ku jirin xiddiga reer Netherlands ee Frenkie de Jong.
Sida uu qoray wargeyska Marca, saddexda ciyaartoy ee Raphinha, Jules Kounde iyo Andreas Christensen ayaa ka mid noqday ciyaartoyda lama-taabtaanka ah, kuwaas oo sidoo kalena ay ka mid yihiin Robert Lewandowski, Ilkay Gundogan, Marc-Andre Ter Stegen, Ronald Araujo, Ferran Torres, Pedri, Gavi, Fermin Lopez, Alejandro Balde, Pau Cubarsi iyo Lamine Yamal.
Weeraryahanka reer Brazil ee Vitor Roque oo bishii January kusoo biiray ayay suurtogal tahay in xagaaga laga diro kooxda haddii uu si fiican u saldhigi waayo, waxaase liiska ciyaartoyda aan la-taaban karin ee sii joogaysa Camp Nou ka mid noqonaya Robert Lewandowski oo ay da’diisu tahay 35 jir.