Kooxda kubadda cagta Liverpool ayay toban ciyaartoy ka maqnaan doonaan kulanka caawa ee semi-finalka Carabao Cup ee ay garoonka Anfield ku martigelinayaan Fulham, taas oo sidoo kalena ay laba usbuuc kaddib lugta labaad isla tegi doonaan magaalada London.
Jurgen Klopp iyo kooxdiisa ayaa 180 daqiiqadood oo ay la dagaallami doonaan Fulham, waxay u baahan yihiin inay ku gacan sarreeyaan dhalinta goolasha, si ay ugu soo gdubaan finalka oo ay garoonka Wembley isku ballansan doonaan Chelsea ama Middlesbrough.
Laakiin Reds ayaa waxa ay caawa la dhibaatoon doontaa xiddigo waaweyn oo ka maqnaanaya, waxaana la xaqiijiyey in toban ciyaartoy oo kooxda koowaad ah aanay kulankan ciyaari doonin, kuwaas oo ay ugu cadcad yihiin Alexander-Arnold oo jilibka ka dhaawacmay iyo Mohamed Salah oo tegay waddankiisa Masar oo uu uga qayb-gelayo ciyaaraha qaramada Afrika.
Waxa kale oo Liverpool ka maqan xiddiga khadka dhexe ee reer Japan ee Wataru Endo oo isaguna dalkiisa kala qayb-gelaya ciyaaraha Asia Cup, balse warka fiican ayaa waxa uu yahay inuu soo noqday Virgil van Dijk oo xanuun kaga maqnaa ciyaartii Arsenal ee FA Cup.
Liverpool ayaa waxa kale oo ka maqan khadka dhexe ee reer Hungary ee Dominik Szobowszlai oo muruqa lugta bidix uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Newcastle, halka Joel Matip, Andrew Robertson, Kostas Tsimikas, Thiago Alcantara iyo da’yarka Stefan Bajcetic ay iyaguna maqnaanayaan.
Waxa kale oo liiska maqaneyaasha ku jira da’yarka Ben Doak oo ku dhaawacmay ciyaartii kooxdiisa da’yarta iyo Chelsea, lamana hubo waqtiga uu soo laaban doono.