Zinedine Zidane ayaa shaaciyey saddex shuruudood oo uu ku xidhayo in uu tababare u noqdo Manchester United, waana saddex arrimood oo uu doonayo in ay kooxdu samayso.
Manchester United oo cadaadiska kusii kordhinaysa tababare Erik ten Hag oo la sheegayo inay suurtogal tahay in shaqada laga caydhiyo dhamaadka xilli-ciyaareedka, ayaa waxa ay raadinaysaa tababare khibrad leh oo dib usoo celiya guulihii iyo farxaddii Old Trafford.
Sir Jim Ratcliffe oo mulkiyadda kooxda la wareegay 25% ayaa waxa uu sidoo kale noqday maamulaha kooxda, waxaana hadda uu ku hawlan yahay raadinta tababareyaal cusub oo awood u leh inay kooxda dib ugu soo celiyaan jidkii guulaha.
Manchester United ooi sannadkii 2013 ay ugu dambaysay inay ku guuleysato horyaalka Premier League, ayaa lala xidhiidhinayaa tiro tababareyaal ah, waxaase kuwa ugu horreeya ku jira Zinedine Zidane oo shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tegay Real Madrid sannadkii 2021.
Zinedine Zidane ayaa sumcad badan ku yeeshay tababarenimada oo uu ku cusbaa intii u dhaxaysay 2016 illaa 2018, waqtigaas oo uu Real Madrid kula guuleystay saddex Champions League iyo koobab kale oo maxalli ah, halka uu sidoo kale dib ugu soo laabtay sannadkii 2019 oo uu maamulayey illaa 2021.
ZIZOU oo shalay u ciyaaray halyeeyada Real Madrid oo garoonka Santiago Bernabeu ay isku haleeleen halyeeyada FC Porto ayaa waxa uu yidhi: “Anigu kubadda cagta aqoon ayaan u leeyahay, waanan garanayaa waxa lagaaga baahan yahay marka aad joogto koox sida Madrid oo kale ah.
“Waxa aan ogahay in haddii aanad guueysanin aad tegayso, laakiin halkan waxa jira waxyaabo muhiim ah oo la illoobay – wax kasta oo aan ku dhisay shaqadii maalinlaha ahayd, wixii aan kusoo kordhiyey ee ahaa xidhiidhka saaxiibtinimo ee ciyaartayda, boqol iyo kontonkii qof ee ila shaqaynayay ee kooxda ku xeernaa.”
Mar la weydiiyey Manchester United oo doonaysa waxa uu ku jawaabay: “Anigu waxa aan u dhashay inaan guuleysto, markii aan halkan (Madrid) joogayna koobab ayaan ku guuleystay, laakiin intaas ka sokow wax aaan ahay binu-aadam, waxa aan leeyahay dareen iyo nolol.
“Waxa aan dareensanahay in aan waxyaabahan la qiimaynin, dadkuna ma fahamsana sida loo qiimeeyo si ay kooxda weyn usii waddo isbeddelka.
“Maanta, nolosha tababareyaasha ee inay hal koox maamulaan waa laba sannadood, kama badato inta badan, balse waxa muhiim ah xidhiidhka saaxiibtinimo ee binu-aadanimo, taas ayaa ka muhiimsan lacagta, taas ayaa ka muhiimsan sharafta iyo caannnimada, taas ayaa ka muhiimsan wax kasta oo kale.”
Hadalka Zinedine Zidane ayaa loo fahmay in saddexda arrimood ee ah dareenka binu-aadannimo, nolosha iyo tixgelinta ku dhisan xidhiidhka binu-aadannimo ay muhiim tahay in ay Manchester United dhaqan-geliso.