Manchester United ayaa ugu dambayntii heshay go’aankii ay ka sugaysay Zinedine Zidane oo ay si adag ugula loollamaysay Bayern Munich, waxaana halyeyga reer France uu warka u caddeeyey labadan kooxood oo hadda kala ogaaday midkooda uu doorbidayo.
Zinedine Zidane ayaa la sheegay in uu doortay inuu noqdo tababaraha Manchester United, waxaana uu ka gaabsaday kooxda reer Germany ee Bayern Munich oo gellinkii hore ee maantana uu iska diiday Julian Nagelsmann oo isaguna ku adkaystay in uu sii joogayo xulka qaranka Germany.
Manchester United oo la filayo inay erido tababaraheeda Erik ten Hag ayaa raadinaysa macallin khibrad iyo magac leh oo dib usoo celin kara guulihii tobanka sannadood la waayey ee ay Red Devils caanka ku hayad.
Sida uu qoray wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska, Zidane ma doonayo inuu tago Bayern Munich oo uu beddelo Thomas Tuchel taas beddelkeeda waxa uu doonayaa in uu noqdo macallinka cusub ee Manchester United.
51 jirkan oo hore loo sheegay inuu yahay dookha koowaad ee Sir Jim Ratcliffe, ayaan halyeeyadii Manchester United sida Dwight Yorke ay kula taliyeen Sir Jim Ratcliffe in uu ka dhigo macallinka cusub ee naadiga, inkasta oo liiska macallimiinta ay Red Devils kala dooranayaan ay ku jiraan Graham Potter oo hore ugu fashilmay Chelsea iyo Thiago Motta oo ah tababaraha Bologna.
Si kastaba ha ahaatee, Zidane ayaa waxa uu Sir Jim Ratcliffe ku doorbidayaa guulaha Champions League ee saddexda sannadood ee xidhiidhka ah uu u qaaday Real Madrid iyo macaga weyn ee uu leeyahay oo ciyaartoyda ku qasbi doona inay hiigsadaan heerkii uu ka gaadhay kubadda waqtigii uu ciyaartoyga ahaa.