Zinedine Zidane ayaa noqon doona bartilmaameedka ugu sarreeya ee Manchester United haddii Sir Jim Ratcliffe uu doorto inuu Erik ten Hag ka qaado shaqadiisa.
Shan guulood oo xiriir ah ayaa soo idlaaday iyadoo United ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay Fulham kulankoodii ugu danbeeyay ee Premier League. Natiijadaan ayaa keentay in taageereyaal badan iyo khabiiro ay su’aal la keenaan haddii Ten Hag uu ku haboon yahay inuu hogaamiyo Shayaadiinta Cas Cas.
Waxaa la dareemaya in Ratcliffe, oo 27.7% saamiga uu ku leeyahay United dhawaan la xaqiijiyay, uu sugi doono ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ka hor inta uusan go’aan ka gaarin mustaqbalka tababarihii hore ee Ajax ee Old Trafford. Haddii madaxa shirkada Ineos uu go’aansado inuu xilka k aqaado Ten Hag, markaas tababarihii hore ee Real Madrid ayaa noqon kara midka uu doonayo.
Sida laga soo xigtay majaladda Faransiiska ee Footmercato, Ratcliffe wuxuu u weecan doonaa halyeyga France Zidane haddii uu go’aansado in isbeddel looga baahan yahay Old Trafford. Zidane ayaan shaqo tababare qabanin tan iyo markii uu ka tagay Real Madrid sannadii 2021kii.
Laacibka ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa iska casilay xilkiisa ka dib koobab badan uu la qaaday kooxda ugu guulaha badan kubada cagta Yurub ee Real Madrid.
Milkiilayaasha cusub ee Man United ayaa la aaminsan yahay inay si weyn u jecel yihiin 51 jirka Zidane kaasoo sidoo kale shaqada Old Trafford lala xiriirinayay bilihii ugu danbeeyay ee waqtigii Ole Gunner Solskjaer.
Waxaa la fahamsan yahay in Zidane uu sugayo shaqada saxda ah si uu mar kale ugu soo laabtay shaqada tababare.