Fikirka Zinedine Zidane ee ku aaddan doodda ciyaaryahanka ugu fiican abid (GOAT) ee u dhaxaysa Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa dib loo soo hadal qaaday. Zidane waa halyeey kubadda cagta, wuxuuna ku guuleystay abaalmarino badan isagoo wakhti kusoo qaatay kooxaha Bordeaux, Juventus, iyo Real Madrid. Sidoo kale, wuxuu xulka qaranka Faransiiska kula guuleystay Koobka Adduunka sannadkii 1998. Zidane wuxuu ciyaaraha ka fariistay 2006, wuxuuna noqday tababaraha Real Madrid toban sano ka dib.
Zidane, isagoo tababare u ah Real Madrid, wuxuu laba jeer ku guuleystay horyaalka La Liga iyo saddex jeer Champions League. Wuxuu si kooban uga tagay xilka 2018, balse wuxuu dib ugu soo laabtay 2019, isagoo markale ku guuleystay horyaalka La Liga. Intii uu Zidane tababaraha ahaa, kooxda ugu weyn ee ay Real Madrid la tartameysay waxay ahayd Barcelona oo uu Messi hoggaaminayay isagoo kabtan ah.
Markii uu joogay Real Madrid, xidigga ugu weyn ee Zidane haystay wuxuu ahaa Cristiano Ronaldo, oo shan jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or, lana tartamayay Messi muddo dheer. Si kastaba ha ahaatee, sannadkii hore Zidane wuxuu ku amaanay Messi muuqaal YouTube ah oo uu la sameeyay Messi.
Inkasta oo uu jecel yahay Ronaldo, haddana wuxuu Messi ku sifeeyay inuu yahay “sixiroole”
Zidane wuxuu sheegay in kulanka uu la yeeshay Messi uu muhiim ahaa, sababtoo ah waxay siisay fursad uu ku muujiyo sida uu u ixtiraamo. Tani waxay ahayd ammaanta ugu weyn ee loo jeediyo Messi.
Messi wuxuu dhaliyay 672 gool 778 kulan oo uu u ciyaaray Barcelona, halka Ronaldo uu 450 jeer shabaqa soo taabtay 438 kulan oo uu u saftay Real Madrid. Labada ciyaaryahanba waxay ka tageen Yurub, iyadoo Messi uu ku biiray Inter Miami oo ka tirsan MLS, halka Ronaldo uu u wareegay Al Nassr oo ka dhisan horyaalka Sacuudiga.