Daafaca kooxda Manchester United ee Leny Yoro ayaa la sawiray isaga tababar qaadanaya kadib markii uu kasoo kabsaday qaliinkii cagta looga sameeyay xagaagii.
18-sano jirkaan ayaa dhaawaca soo gaaray intii lagu guda jiray safarkii is diyaarinta xilli ciyaareedka kooxdiisa ku tagtay Mareykanka.
ka dib kulamo saaxiibtinimo oo uu la ciyaaray Rangers iyo Arsenal dib looguma arkin garoomada, walina wax kulan rasmi ah uma ciyaarin Man United.
Yoro, oo Ma Utd kaga soo biiray Lille bishii July, ayaa lasoo dhigay muuqaal isaga oo ku ordaya mashiinka orodka intii lagu jiray fasaxa ciyaaraha caalamiga ah, tababare Erik ten Hag ayaa sheegay in da’ yarka Faransiiska uu ku sugan yahay qolka jirdhiska islamarkaana uu kasoo kabanayo dhaawaciisa.
Daafaca kooxda Manchester United ee Leny Yoro ayaa la sawiray isagoo tababar sameynaya kadib markii lagu sameeyay qaliin cagta ah ka hor xagaagii.
No.15 ee kooxda Man Utd ayaa hadda ugudbay marxaladda xigta ee dhaawaciisa, iyadoo sawirada iyo muuqaalada lasoo bandhigay ay farxad galinayaan taageerayaasha kooxda.
Leny ayaa sidoo kale jimicsi joogta ah ku qaadanaya qolka jimicsiga kooxda tan iyo Khamiistii, iyadoo ay isha ku hayaan shaqaalaha caafimaadka kooxda.