Cristiano Ronaldo miyuu ku soo laaban karaa Manchester United? Saaxiibkii hore ee ay isku kooxda ahaayeen Louis Saha, ayaa aaminsan in weeraryahanka halyeeyga ah uu aqbali lahaa haddii maamulaha cusub ee Ruben Amorim uu usoo bandhigo fursad.
Ronaldo oo 40-sano jir nooqn doona February 2025 ayaa wali kusoo bandhigaya qaab ciyaareed xoogan kooxdiisa iyo wadankiisa.
Hadda wuxuu joogaa kooxda Al-Nassr ee Sucuudiga ka dhisan, su’aalo ku saabsan mustaqbalkiisa ayaa dhaliyay mala-awaal badan.
Wararka qaar ayaa la xiriirinayay Al-Hilaal, halka qaar kalana ay sheegayaan inuu ku laaban karo Premier League.
Xiriirka Ronaldo iyo Amorim ayaa aad u wanaagsan, saaxiibkiisii hore ee xulka Portugal, haatana ah tababaraha Manchester United, ayaa sii huriyay xanta suuqa.
Amorim, oo dhawaan la wareegay xilka United, ayaa arrin muhim ah u arka inuu dib uu kula midoobo Old Trafford Ronaldo.
Saha oo ka soo garab ciyaaray Ronaldo xiligiisii Man United, ayaa fikirkiisa ku aadan xaaladaan ka hadlay, isagoo yiri “Cristiano Ronaldo waxa uu jeclaan lahaa in uu kooxda Man Utd dib ugu laabto.
“Wuxuu ka tagay kooxda shuruud la,aan, laakiin ciyaartoyda iyo taageerayaashu way jecelyihiin isaga wali.