Lamine Yama uma ciyaari doono kooxdiisa Barcelona kulanka Copa del Rey ee caawa ee Barbastro sababtoo ah waxa u diidaya sharciga, sidoo kalena ma awoodi doono inuu kooxdiisa u safto kulanka xiga ee Copa del Rey haddii ay soo gudbaan.
Barcelona ayaa booqasho ku tegaysa Municpal de Deportes oo ay kooxda heerka afraad ee Barbastro ugu tegayso caawa, waana wareegga 32ka ee tartanka Copa del Rey.
Xavi Hernandez ayaa la filayaa inuu ciyaartan kusoo bilaabo ciyaartoyda da’yarta ah si uu xiddigaha waaweyn ugu sii dhigto semi-finalka Spanish Super Cup ee ay Khamiista waddanka Sucuudiga ku wada ciyaari doonaan Osasuna.
Lamine Yamal oo ka mid ahaa ciyaartoyda la filayay inay kusoo bilowdaan kulankan ayaase la ganaaxay laba ciyaarood oo tartanka Copa del Rey ah, sababtoo ah waxa uu kaadh casaan ah qaatay xilli-ciyaareedkii hore isaga oo u ciyaaraya kooxda da’yarta Barcelona isla tartankan oo naadiyada yaryar ah.
16 jirkan ayaan lagu soo darin liiska kooxdiisa Barcelona, waxaana uu tababare Xavi Hernandez u yeedhay xiddigaha waaweyn sida Robert Lewandowski iyo Frenkie de Jong oo safarka uu la galay Vitor Roque oo la filayo inuu weerarka kusoo bilaaban doono.
Tababare Xavi Hernandez oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu ogaaday in Lamine Yamal aanu ciyaari doonin, sidaas daraadeedna uu uga reebay liiska ciyaartoydiisa, waxaanu yidhi: “Waxa aanu ognahay in Lamine Yamal uu casaan qaatay tartanka Copa del Rey ee da’yarta oo uu laba ciyaarood ganaaxan yahay.”
Waxa kale oo uu Xavi Hernandez liiska ciyaartoydiisa kusoo daray Joao Felix, Raphinha iyo Ilkay Gundogan;, taas oo muujinaysa in aanu dhayalsanayn Barbastro.