Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Newcastle United ee Bruno Guimaraes ayaa ku ducaysanaya in kaadh casaan ah la siiyo oo si toos ah looga saaro ciyaarta Tottenham ee toddobaadkan, si uu uga badbaado in lagu rido ciqaab adag oo sabab u noqota in uu muddo ka maqnaado kooxdiisa.
Khadka dhexe ee reer Brazil ayaa ciyaarta Sabtida ee St James’ Park ay ku qaabbilayaan Tottenham, waxa uu garoonka soo geli doonaa isaga oo haysta sagaal kaadh oo digniin ah oo xilli-ciyaareedkan uu qaatay, isla markaana halis ugu jira in laga ganaaxo laba kulan oo xidhiidh ah.
Sharciga Premier League ayaa dhigaya, in ciyaartoyga 10 kaadh oo huruud ah qaata 32ka ciyaarood ee ugu horreeya xilli-ciyaareedka ee horyaalka Premier League, in laga ganaaxo laba kulan, waana arrinta uu waajahayo laacibka reer Brazil
Newcastle United iyo Bruno Guimaraes waxay doonayaan in aanay gelin xaaladdan adag oo ay ka badbaadaan ganaaxa maadama ay lix ciyaarood oo kali ahi ka hadhsanaanayaan dhamaadka xilli-ciyaareedka marka la dheelo kulamada usbuucan, iyadoo kooxdooduna meel hoose ku jirta.
Laakiin haddii casaan la siiyo Bruno Guimaraes inta ay socoto ciyaarta Tottenham, Bruno Guimaraes ayaa kaliya ka maqnaan doona hal kulan, waxaana uu ka faa’iidaysan doonaa gol-daloolo ku jirta sharciga Premier League iyo FA Cup, kaas oo uu hore uga fa’aiidaystay Anthony Gordon oo waqti dambe ka baxay ciyaartii West Ham ee bishii hore.
Gordon ayaa qaatay kaadhkiisii sagaalaad iyo tobnaad ee xilli-ciyaareedkan kulankaas, waxaana uu ku baxay casaan balse hal kulan oo kaliya ayuu ka maqnaaday ciyaaraha inkasta oo ay toban kaadh u buuxameen.
Bruno Guimaraes ayaa sida Gordon oo kale, waxa kaliya loo xisaabin doonaa casaanka uu qaatay oo ka awood badnaanaya labada kaadh ee huruudda ah, waxaanay taasi keenaysaa in kaliya uu ka maqnaado kulanka Crystal Palace isla markaana dib usoo noqdo ciyaarta Sheffield United.
Haddii ciyaartoygu uu dhaafo 10 kaadh oo digniin ah 32ka ciyaarood ee ugu horreeya, waxa lala sugaa in 15 kaadh ay u buuxsamaan 38ka ciyaarood ee uu ka kooban yahay xilli-ciyaareedka Premier League taas oo uu ku mutaysto saddex kulan oo ganaax ah, laakiin wali taariikhda Premier League ma dhicin ciyaartoy 15 kaadh qaatay xilli-ciyaareed gudihii.
Guimaraes oo ah ciyaartoy laf-dhabar u ah Newcastle United ayaa toddobaadkii hore ay kulankii Fulham ugu buuxsameen 100 kulan oo uu u saftay kooxdiisan, isaga oo xilli-ciyaareedkan socdana u dhaliyey afar gool iyo toddoba uu caawiyey 43 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay.