Manchester City ayaa labo jeer oo kasoo laabatay goolal looga hormaray kulankii ay barbardhac la gashay Crystal Palace iyadoo qaab ciyaareedka liita ee kooxda heysata horyaalka Premier League uu sii socdo.
Guushii City ay ka gaartay Nottingham Forest bartamihii Isbuucii hore masii socan, iyaga oo dib u helay qaab ciyaareed kale oo xun City kulankii ay wajahday Palace.
Kooxda Oliver Glasner ayaa hogaanka ciyaarta qabatay afar daqiiqo kaliya markii ay soctay ka dib markii Will Hughes uu boos fiican kaga dhiibay kubada daafaca garabka ka ciyaara ee Daniel Munoz oo dhaliyay goolka furitaanka.
Waxa ay heleen fursado ay hogaanka ku dheeraysan kareen ka hor inta Erling Haaland madax ku dhalin karoos fiican oo uu soo qaaday Matheus Nunes.
Markale Place ayaa hogaanka qabatay, iyada oo Hughes uu madax ku dhaliyay kubad qurux badan.
Si kastaba ha ahaatee, City ayaa badbaadsatay dhibic kulankii Selhurst Park markii Bernardo Silva uu ka caawiyay gool Rico Lewis.
Guud ahana kulankii caawa u dhaxeeyay Man City iyo Crystal Place ayaa kusoo dhamaaday barbaro 2- 2 ah.