Chelsea ayaa ugu awood shegatay Aston Villa kulan ka tirsan Premier League garoonkeeda, iyadoo Blues ay ku badisay 3-0.
Nicolas Jackson ayaa daahfuray goolasha Chelsea qeybta hore ee ciyaarta kaliya 7 daqiiqo markii ay soctay.
Chelsea oo aan ku dhibtoon kulan Aston Villa waxay heshay goolka labaad isla qeybta hore, Palmer ayaa ka caawiyay gool qurux badan Enzo Fernandez.
Qeybta hore ee kulanka waxaa 2-0 hogaanka ku qabtay kooxda Chelsea oo marti loo ahaan, taasoo la micno ah in ay kaalmaha sarre ee Premier League soo fariisteen.
Qeybta labaad Chelsea si fiican ayay u ciyaartay, waxaana ay si weyn u xakameysay ciyaarta oo dhan.
Chelsea oo iska baashaaleysa waxa goolka saddexaad u dhaliyay Col Palmer, taasoo keentay in ciyaarta ay kusoo dhamaato 3-0 oo ay Bules guul weyn ku gaartay.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee kulanka aan ka baranay waxaa kamid kamid
1. Nicolas Jackson oo kusoo baxay dhaliyaha ugu qatarta badan Premier League
Nicolas Jackson ayaa kusoo baxay weeraryahanka ugu halista badan Premier League xilli ciyaareedkan kadib markii uu shabaqa daris la noqday
Weeraryahanka Chelsea ayaa 8 gool dhaliyay 13 kulan oo uu usaftay Premier League kooxdiisa isagoo sidookale saddex caawin sameeyay.
2. Enzo Fernendez oo kalsooni helay.
Ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Chelsea ayaa helay kalsooni badan oo uu dib ugu soo ceshtay qaab ciyaareedkiisii fiicnaaee kooxda Chelsea.
Wuxuu si isku mid ah kaga qeyb galay dhalinta iyo caawinta kulamadii ugu dambeeyay kooxda ka dhisan Galbeedka London.