José Mourinho, tababaraha reer Portugal ee Fenerbahce, oo la hadlay Radio Bilbao saacada ka hor kulanka Athletic kooxdiisa wajaheyso waxa uu ka hadlay arin dood badan dhalisay.
Marka laga soo tago amaanta uu u soo jeediyay kooxda Bilbao, tababaruhu waxa uu aad ula dhacsan yahay Nico Williams, wuxuuna muujiyay sida uu u jecel yahay inuu u daawo da’yarkaan maalin kasta.
Intii lagu jiray Euro, qof kastaa wuxuu ka hadlayay Yamal, Yamal, Yamal. waa ilmo cajiib ah, laakiin shakhsi ahaan, waxaan doorbidi lahaa Nico.
Waxaan rajeynayaa inuu ku biiro Real Madrid, sababtoo ah waxaan ahay taageere weyn oo Real Madrid ah,” ayuu yiri Mourinho.
“Athletic waa koox aan runtii jeclahay, waxay leeyihiin qab ciyaareed fiican, wax badan ayaan ka aqaanaa iyaga, waxaan dhowr jeer arkay anigoo kusugan Real Madrid.
Maamulaha Portuguese-ka ayaa aad ula dhacsan Niko, isagoo yiri Yamal waa ilmo cajiib ah, dadku isaga ayay buunbuuniyaan, laakiin aniga waxaan u arkaa Nico Williams inuu yahay kan ugu cajiibsan Spain waqtigaan.